Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobab khasaaro geystay oo ka da’ay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Waasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa shaaciyay khasaaraaha ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay degaannada maamulkaasi. .

Dhabancad ayaa sheegay in sagaal qof ku dhinteen daadad soo rogmaday iyo danabyo (Biriq) ay tureen roobab mahiiggaan oo ka da’ay gobollada Nugaal, Karkaar iyo Sanaag.

Sidoo kale wuxuu sheegay in 100 qoys ay ku xoola beeleen roobabkaasi, islamarkaana ay go’een illaa 17 waddo oo ku yaalla gobolladaasi.

Roobabka ka da’ay ayuu sheegay wasiirku in ay kala goyeen isku socodkii Puntland iyo sidoo kale goboladda kale ee Soomaaliya.

 

Dhanka kale Puntland ayaa guddi  u saaray qiimeynta iyo wax ka qabashada khasaarada ay Roobabku geysteen, waxaa ayna  maanta la kulmeen gudgigaasi hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka howlgala maamulkaasi.

Kulankan oo uu guddoomiyey wasiir Dhabanacad, ayaa waxaa looga hadlay sidii ay hay’aduhu doorkooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka ay roobabku saameeyeen iyo dayactirka lagu sameynayo waddooyinka ay biyuhu jareen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this