Sign in to follow this  
Deeq A.

Markabkii Ugu Weynaa Oo Xalay Ku Soo Xidhay Dekedda Berbera Iyo Maamulka Shirkadda DP World Oo Ka Warbixiyey Baddeecadaha Uu Sido

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maamulka Shirkadda DP World ayaa ka warbixiyey markabkii ugu weynaa ee dekedda Berbera ku soo xidha oo xalay soo gaadhey magaaladaas.

Markabkan ayaa lagu magacaabaa Sima Sahba ayaa siday alaabooyin Koontiinarro ah, iyada oo ay dejinta alaabtaasi bilaabeen Wiishashka cusub ee ay dhowaan shirkadda DP World keentay dekedda Berbera, maadaama oo aanu markabkani lahayn wiishash.

Sida uu ku soo Warramay Weriye Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamuud oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA uga soo warama gobolka Saaxil, Waxaana ugu horayn markabkan iyo shixnadda uu sido ka warbixiyey madaxa hawlgalinta shirkadda DP World ee Dekedda Berbera Cali Ismaaciil, waxaanu sheegay inuu markabkani ka diwaan gashan yahay dalka Sangabuur isla markaana sido shixnad gaadhaysa 2136 oo koontiinar oo uu qaadi doono shixnad intaas u dhiganta, wuxuuna intaa ku daray inay tahay markii u horraysay ee markab noocan oo kale ahi uu ku soo xidho Dekedda Berbera, iyadoo arrintaas ay suurta galisay Wiishashka iyo Taaga cusub ee Dekedda ay ka hirgaliyey shirkadda DPW.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Yuusuf Cali Nuur oo muddo afartan sanno ah ka shaqaynayey Dekedaha iyo maraakiibta ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee markabkan oo kale uu ku soo xidho Dekedda Berbera, taasna ay keentay horumarka ay muddooyinkii u dambeeyey ku talaabsatay Dekedda Berbera, isagoo tilmaamay in waqtiyadii hore dhib badan lagala kumi jiray rogida shixnadaha ay maraakiibtu sido, balse taasi ay meesha ka baxday, wuxuuna amaanay shirkadda DPW oo uu sheegay inay wax weyn ka qabatay Dekedda intii ay gacanta ku haysay, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this