Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo amartay in dadka reer miyiga laga saaro meelaha godan iyo dooxooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa ku amartay dhammaan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland in meelaha godan iyo dooxooyinka laga saaro dadka reer miyiga si looga badbaadiyo daadadka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland  Cabdiweli Mire Xirsi oo gelinkii dambe ee shalay booqday degaanno u dhexeeya Garoowe iyo Sinujiif oo daadad ku rogmadeen ayaa guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland ku amray in ay dadka reer miyiga ka saaraan meelaha godan ee daadadka u nugul ay wacyi-gelin buuxda ka sameeyaan halista daadadka si ay bulshada ugu baraarugto.

Isagoo xiganayaa saadaasha roobabka waxa uu sii raaciyay in ilaa 5-ta bishaan la filayo in roobab badan ay ka da’aan degaannada Puntland sidaasi darteedna loo baahanyahay bulshada in laga wacyi-geliyo halista daadadka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo amartay in dadka reer miyiga laga saaro meelaha godan iyo dooxooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this