Sign in to follow this  
Deeq A.

“Qadar iyo Somalia oo iska kaashanaya dagaal ka dhan ah Galmudug iyo Jubaland”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeedo Siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka isla markaasna ka tirsan Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dowladaha Qadar kala kaashaneyso burburinta Maamulada Galmudug iyo Jubbaland sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Ca Cabdullaahi Farmaajo uu Ra’isulwasaaraha Qadar saakay kula kulmay Makka Al-Mukarama, isla markaasna wuxuu sheegay inuu dalka Qadar u diray Ra’isul wasaaraha Kheyre iyo Taliye xigeenka NISA taasina ay qeyb ka tahay qorshe la doonayo in meesha looga saarayo Galmudug iyo Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshahaan uu Taliye ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin u tagay dalka Itoobiya si loo helo awood ciidan iyo mid dhaqaale oo lagula dagaalamo Galmudug Jubbaland.

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dadka uu ugu yeeray kuwa Samaha jecel inay ka hor tagaan Shirqool uu sheegay in loo maleegayo Labadaas Maamul.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Cabdiraxmaan soo dhigay bartiisa Facebook:

Madaxweynaha Sacuudiga ayuu kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, saakayna Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliye xiggeenkii Nabadsugidda ayuu dalka Qatar u diray. Maalmahan waxaa Addis Ababa isaga daba noqonayey Taliye xiggeenka Nabadsugidda. Waxaan kaloo maqashiisanahay in Madaxweynuhu uu Addis Ababa tegayo. Wax kala maaha dagaal Galmudug iyo Jubaland ka dhan ah ayaa awood ciidan iyo mid dhaqaale loo raadsaday.

N&N waxay masiirkooda siyaasadeed ku lareen guusha iyo guuldarrida ay ka soo hooyaan labadaa Dowlad Gobol. Waxaan haddaba ugu baaqaynaa inta samaha Soomaaliyeed jecel in ay shirqoolkaas ka hortagaan oo ay garabsiiyaan labada Dowlad Gobol.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this