Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Villa Somalia oo lacag gaarsiisay Caruurtii ay ka dhinteen Wariyeyaashii la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Illaa 82 caruur ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal agoon ah ayaa maanta la guddoonsiiyay deeq lacageed, kuwaas oo ay ka dhinteen Wariyeyaal siyaabo kala duwan ugu dhintay gudaha dalka.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa caruurtaasi mid mid waxaa loogu guddoonsiiyay lacag dhan 50 Dollar.

Abaabulka barnaamjikan waxaa lahaa Wariyeyaasha Muqdisho, balse waxaa fuliyay waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.

C/risaaq Cilmi Jaamac Black oo ka mid ah bahda Warfaafinaha ee xafiiska Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay deeqdan, waxaana uu sheegay in caruurtaasi ay ka tageen Wariyeyaashii dhinta ay ka war heyn doonto dowladda Soomaaliya.

Waa sanadkii labaad oo deeq lacageed la gaarsiinayo Agoontan, si ay ugu dabaal dagaan maalmaha Ciidul Fidriga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

5 1 2 3 4

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this