Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Ahmed oo war kasoo saaray xiisadda u dhaxaysa dalka Somalia iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa mar kale ka hadlay xiisadda iyo khilaafka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo meel xun maraysa.

Abiy Ahmed oo wareysi siisay qeybta amhaariga ee idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Ethiopia iyo dalalka kale ee gobolka ay isku dayi doonaan inay xal u helaan xiisadda labadan dal.

“Waa inaan midba mid kale caawinannaa oo aan gacan ka gaysannaa xalinta arrimaha taagan” ayuu yiri ra’iisul wasaraaha Itoobiya.

Waxa uu intaas ku daray in dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo Kenya ay walaac ka qabaan in khilaafka u dhaxeeya ay saameyn ku yeelato gobolka oo dhan.

“Waxaan ognahay in dhibaato kasta oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ay nagu soo baahi karta. Sababtan darteed waxaan jeclaan lahayn inaan ka shaqeyno inaan xalinno” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ma sheegin qaabka ay u xalinayaan xiisadda labada dhinac, ayada oo Soomaaliya ay diiday inay Kenya wada-hadal kala gasho xiisaddan oo salka ku haysa badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this