Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo marti qaaday ururada bulshada Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Aqalka martida ku marti qaaday oo afur ugu sameeyay Ururada bulshada gaar ahaan Ardayada iyo macalimiinta Jaamacadaha Ururada dhalinyarada Aqoonyahanada iyo qaar kamid ah shaqaalaha Hay”adaha Dowlada.

Kulankan afurka ah ayuu Madaxweynahu ugu tala galay in uu dhalinyarada iyo haldoorka kala duwan ee ka qayb galay kaga dhagaysto aragtiyadooda la xidhiidha kor u qaadista wacyiga bulshada gaar ahaan dardar galinta tacliinta iyo garaadka ardayda iyo dhalinyarada soo koraysa.

Madaxweynaha oo koox koox ula kulmay dhalinyarada iyo Aqoonyahanadan waxaa kale oo uu ka dhagaystay baahiyaha ay qabaan iyo sidii wax looga qaban lahaa iyadoo uu Madaxweynahu balan qaaday in uu kor u qaadayo tageerada iyo garab istaaga ururada kala duwan ee u dhaqdhaqaaqa bulshada.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee ku dhow inay ku guulaystaan markii labaad tartanka Ramadaanka isagoo balan qaaday in tageero ay Xukuumada Jubbaland la garab istaagi doonto marka ay kusoo guulaystaan tartanka Ramadaanka.

  • FB_IMG_1559345783133.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559345824310.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559345743072.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559345766329.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559345748224.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559345754668.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559345759969.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6e4a46fd-5a57-455d-ac51-8031680d6a86
  • c32eb8ad-f29f-45a5-b7a0-cfea6824d914
  • 833eda80-9def-4771-9fa8-deb03b39f761

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo marti qaaday ururada bulshada Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this