Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuseen Ceelaabe Faahiye oo loogu duceeyay kulan ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN): – Kulankan oo ay soo Agaasintay wasaarada Qorshenta Qaran ayaa loogu Duceynayey Allaha unaxariistee Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibada Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye oo 22kii bishan may ku dhaf waayey Weerar loo adeegsaday Gaari qarax siday oo ka dhacey Nawaaxiga Taalada Daljirka Daahsoon Gaar ahaan Barkantarool oo ay Ciidamadu ku baaran Gaadiidka usocda dhinaca Madaxtooyadda.

Waxaa kazoo qayb galay Kulankan oo ahaa Afur Xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya.

Ugu Horeyn Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Amb Jamaal Maxamed Xassan ayaa Faahfaahiyey Ujeedada Munaasabadan Tacsida ah.

Dhinaca Kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in amniga dalku uu soo hagaagayo Taasina ay Marqaati u tahay isku imaatinkoodan oo ku beegmay Xili Habeen ah.

Xiliyadda Qaar  Qaraxyadda ka dhaca Magaaladda Muqdisho waxaa ku geeriyooda Masuuliyiin xilal ka haya Dowladda Ama kazoo qabtay iyo Shaqsiyaad kale oo Bulshada Magac ku dhex Leh.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this