Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Khariiradda Ay Daabacday Ee Muran Badan Dhalisay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka xun tahay khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya oo muujinaysay khaladaad.

FF933883-6F16-4AA4-B502-6759538850F1_w10

Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in khariiraddaasi ay ahayd mid “khalad ah oo aan la aqbali karin.”

Itoobiya waxay sheegtay in isla markii ay ogaatayba ay ka saartay maabkaasi bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Itoobiya waxay sheegtay inay ka xun tahay wixii jahawareer ama is-faham-darro ah ee ay arrintaasi abuurtay.

Waxaa kaloo khariiradda ka maqnaa Suudanata Koonfureed iyo dalka Equatorial Gini ee Galbeedka Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this