Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo mas’uuliyiinta Shiinaha ku casumay shir ka dhacaya Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed oo shir jaraa’id qabtay ka hor inta uusan maanta ka dhoofin garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka safarkiisa dalka Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay safarkiisu la xiriiro iskaashi dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga ganacsi oo Puntland la yeelan doonto gobol kamid ah waddankaasi shiinaha.

Mudane Deni ayaa  sheegay in Puntland  ay mas’uuliyiinta dalka Shiinaha u bandhigi doonto  fursadaha maal-geshi ee ka bannaan degaannada Puntland si shirkadaha dalkaasi maal-geshi ugu sameeyaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta Shiinaha ay Puntland ku marti-qaadayso  shirka maal-geshiga Puntland oo Garoowe lagu qaban doono bisha Agoosto ee sannadkan 2019.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wasaaradda arrimaha debadda Soomaaliya iyo safaaradda dalka Shiinaha ee magaalada Muqdisho oo qaban-qaabiyay safarkiisa dalkaasi Shiinaha.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id

5-5.jpg?w=1000&ssl=1 4-6.jpg?w=1000&ssl=1 3-5.jpg?w=1000&ssl=1 2-5.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Deni oo mas’uuliyiinta Shiinaha ku casumay shir ka dhacaya Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this