Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka xukuumadda Muuse Biixi iyo xisbiga Waddani oo sii xoogeystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan oo hadal ka jeedinayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka jawaabey eedaymo siyaasiinta xisbiga Waddani u jeediyeen Xukuumada Muuse Biixi.

Wasiir Abokor ayaa ugu horeyntii ka jawaabay eedaymo uu Ciidammada Amniga u jeediyey Ismaaciil Aadan Cismaan oo xukuumadii Daahir Rayaale kasoo noqday Wasiirka Arrimaha gudaha, wuxuuna yiri:

“Ismaaciil oo shalay sheeganayey inuu ahaa Wasiirkii ugu muddada dheeraa Somaliland, Boolisku way ogyihiine Ismaaciil wuxuu ahaa Wasiirkii ugu foosha xumaa ee Xilka Wasaaradda Arrimaha gudaha laga qaado. Ismaaciil Wuxuu ahaa Wasiirkii Ciidammada SPU ka cunay lacagtii habeen dhaxa ee la siiyey ay ku mudaharaadeen, ka bacdina xilka lagaga qaaday”.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaab celiyay eedaymo uu hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali X.Xasan u jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, wuxuuna yiri:

“Xirsi Cali Xaaji Xasan markuu ahaa Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi baa soo weeraray Carruurtayda iyo Gurigayga, talada Gurigayga lagu soo weerarray isagaa bixiyey, iyadoo si nabad-galyo ah la ii qaban kari lahaa. Wakhtigaa Aniga 12 Xabo oo Rasaas ah ayaa laga riday, laakiin xilligii Xirsi in ka badan 700 Rasaas ah ayaa Gurigayga lagu riday, amarkana isagaa bixiyey”.

“Maantana wuxuu haleeli kari waayay inuu Hargeysa Carruurtiisa ku hayo, Laakiin Anigu Nina ma daba socdo, Xirsi wuxuu ahaa Ninkii Inanta Nadiira Maxamed ay 7 Bilood u xidhnayd, iyadoon la marin Maxkamad, haddana Maanta ayuu doonayaa inuu yidhaahdo Ciidan baa wax xidhay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this