Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxa hadalka madaxweynuhu i xasuusiyay khudbadii ugu danbeysay ee Jaale Siyaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacado ka hor xidhashada Ramadaanta.

Hadalkii maanta uu jeediyay Madaxweyne Muuse waxa uu u ekaa mid ka yimid madaxweyne wakhtigiisu gabaabsi yahay oo ay haystaan kacdoono shacab.
Sida ka muuqatay madaxweyne Muuse markii uu la hadlaayay reer Sanaag waxa uu u dhacaayay in go’aankii buray ee xukunka degdega ah uu dhaawac ku keenay kalsoonidii shacabka ka soo jeeda deegaankaasi, isagoo dadkana uga digay inay dhageystaan nimaan hadhow u furi doonin.
Mudane Muuse waxa kale oo aad uga waaniyay qaranimada iyo wadajirka shacabka qolyaha warbaahinta iyo kuwo uu ku sheegay aftahamo dadka waxgelin kara, waxana uu u ekaa in warbaahintii iyo aftamahamada kaleba ay shacabka iyo xukuumaddii kale fogeeyeen, waxana uu u dhignaa hadalkaa Biixi in xukuumad ahaan ay tahli kari waayeen in ay kasbadaan kalsoonidii shacabka Somaliland.
Durba waxa sida cadceeda u soo if baxday in Kornaylada bahwadaagta ahi ay ku fashilmeen inay kasbadaan,islamarkaana mideeyaan shacabka reer Somaliland, waxana ay u ekaadeen kuwo qaadi kari la’ mucaaridada hor u dhaca ah ee ka soo burqanaysa aqoon yahanka isugu jira kuwo qayb ka ah taageerdii uu xilka ku yimid madaxweyne Biixi,qaar aan markii horeba la socon iyo masuuliyiinta xisbiga weyn ee WADANI oo iyagu maalmahan galkii seefta ka soo saaray.
Si kastaba xaalku ha noqdee anigu waxa hadalka madaxweynuhu I xasuusiyay khudbadii ugu danbeysay ee Jaale Siyaad amaba tii ay maalmihii ugu danbeysay wadeen madaxweynayaal badan oo ay galaafteen kacdoonadii carabtu, sida Qadaafi, Xusni Mubaarik iyo Albashiirkii dhawaa.

Mustafe Isa ShiineWaxa hadalka madaxweynuhu i xasuusiyay khudbadii ugu danbeysay ee Jaale Siyaad

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this