Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey shirka Garoowe iyo Xaaf oo go’aan culus qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoominaya shirka wadatashiga heer qaran oo maalintii labaad ka socda magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxdu waxa ay ka wada hadlayaan arrimaha masiiriga ah ee dalka sida xoojinta wada shaqeynta, horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Raiisul Wasaraaha Xukuumadda   Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan.

Wararkii u dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya shirkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda ay wadaan ka doodista qodobo ka mid ah ajandayaasha shirka, iyada oo la filayo in markii la soo geba gabooyo laga soo saaro war murtiyeed.

War-Saxaafadeed uu saaoo saarey Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle xaaf ayuu ku sheegay in uu doonayo in xal- rasmi ah loo helo arinta Galmudug ka hor inta  aan la guda-gelin wada-tashiga looga arinsanayo arimaha la xariira amniga qaranka, hannaanka doorashada iyo kheyraad wadaaga.

Waxaa sidoo kale intaasi la raaciyey in Galmudug doonayso in ajandaha lagu daro xal u helista khilaafka iyo isdiidanaanta siyaasadeed u dhaxeysa Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.

War-Saxaafadeedkaan kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu taagan yahay khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya iyo Galmudug kaas oo sababay in mudo dhowr bilood ah aysan dhexmarin wax wadashaqeyn ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this