Sign in to follow this  
Deeq A.

Cuntooyinka haboonaa bisha Ramadaan

Recommended Posts

Deeq A.   

AlxamdulAllah waa bishii khayrka iyo ajarka badnayd oo Illahay inagu soo simay markale.
immisaa bishii hore joogay oo maanta khayrkaa maqan oo dhimstay.
Waa in aynu mahad naqnaa mar walba.
Bisha ramadaanta waxa loo baahanyahay inaad ilaaliso cuntadaada si aanu kuu dhicin in aad ku xanuunsato afurka ama suxuurta.
ama aanad u dareemin daal iyo dacar kaa dhigta mid caajisa oo xitaa cibaadada ka gaabiya.
ha cunin cuntooyinka ay leh Dufanka iyo sonkorta badan.
ha cunin ama yareyso cuntooyinka ay ku badan yahay dufanku sida saambuuska, sandwichka IWM
Iska ilaali inaad cabitaan badan cabto bilowga afurka.
hadii aad haysato liin dhanaan ku yara tuuji sharaabka ama shaah bigeys ah waxa ay kaa ilaalin cilad inay kugu kacdo.
ha cunin cuntooyinka ha cunin cuntooyinka ay ku badan tahay duxda iyo sonkorta.
ha cunin ama yareyso cuntooyinka ay ku badan tahay saliida sida saambuuska.
ha cunin cuntooyinka ay ku badan tahay cusbadu.
bisha Barakaysan ee ramadan waxa haboon inaad cuntooyinka aad cunaysaa wax badan aanay ka gedisnaan tii aad hore u cuni jirtey ,waxana haboon in cuntadaadu noqoto mid miisaaman si aanu jidhkaagu u khalkhalin una waayin nafaqadiisa .
kolka fiiriyo saacadaha dhaadheer ee laga soomayo wadamo badan sanadkan waxa haboon inuu qofku ku suxuurto cuntooyinka kakan (Adag) maxaa yeelay cuntooyinka kakan waxay caloosha ku jirtaa muddo 8 saacadood ah, cuntooyinka kakan (adag) waxa ka mida sarreenka ,digirta ,bariiska,daqiiq, heed, galey IWM.
Cabitaanada ku haboon afurka waxa ka mida.
dhamaan khudaarta dabiiciga ah ee la shiidey.
liin la tuujiyey ( liin dhanaan).
avocado la ridqay.
xabxab ama qare.
Cambe babay.
Shaah aan sonkor badan lahayn iyo
xansharka oo ah ka ugu fiican ee caloosha ku ilaaliya xaladeeda wanaahsan.
Kuwani waa cabitaanada ugu fiican xiliga afurka mana sababaan wax cilad ama dacara.
Calooshaada ha ku wada mashquulin afurka waayo hadii aad aad isakaga dibiriso afurka salaadna ma tegi kartid socodna ma geli kartid mana shaqayn kartid.

La soco qaybaha dambe……

Qalinkii Cabdi Cawiye
+252634115877

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this