Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa ku qaabilay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Danjire Hamdi Loza, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga iyo sidoo kale arrimihii ugu dambeeyay gobolka iyo dunida.

Soomaaliya waxa ay doonaysaa inay hore ugu dhaqaajiso xiriirka kala dhexeeya Masar dhinacyada kala duwan si kor loogu qaado wax wadaagga istiraatiijiga iyo in la qoto dheereeyo iskaashiga dhan kastaba leh, oo ay ka mid yihiin ammaanka, milatariga, waxbarashada iyo ganacsiga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

FB_IMG_1557103808256.jpgFB_IMG_1557103780139.jpgFB_IMG_1557103775026.jpgFB_IMG_1557103795534.jpgFB_IMG_1557103827779.jpgFB_IMG_1557103784328.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this