Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Puntland oo ka hadlay soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa si aad ah u soo dhaweeyay socdaalka Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu shalay ku tagay magaaladaasi.

Qaar ka mid ah shacabka reer Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin imaatinka Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay la dhacsan yihiin, islamarkaana ay la garab tagnaan doonaan taageero lixaad leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) oo xalay ku hoyday Garowe ayaa maanta ka qeyb galaya shir wadatashi ah oo lagu wado in maanta uu ka furmo magaaladaasi, kaas oo u dhexeeya dowladda dhexe iyop dowlad goboleedyada dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this