Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga wadajir oo u Hambalyeeyay Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdishop (SMN) – Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Wadajir Mudane Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa sanad guurada 17-aad ugu hambalyeeyay Radio Shabelle .

Shadoor ayaa tilmaamay in Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay door muuqdo ku leedahay bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay in muddadii ay jirtay ay la soo kulantay dhibaatooyin xoogan oo ay ka mid tahay tacadiyo iyo dilal loo geystay qaar ka mid ah shaqaalaheeda.

Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay la wadaagaan shaqaalaha iyo maamulka Shabelle dabaal daga maalinta aas aaska ee 6 May.

Siyaasiga Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa horay uga mid ahaa howlwadeenadii soo maray Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this