Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: 4 Qodob oo looga hadli doono shirka maanta ka furmayo magaalada Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Maanta oo Axad ah waxaa magaalada Garowe ka furmaya shirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay qaban qaabadiisa ay socotay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya aya la filayaa inuu furo shirkaasi ka dhacaya magaalada Garowe, waxaana ku sugan madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Qodobo dhowr ah ayaa looga hadlayaa kulanka maanta ka dhacaya magaalada Garowe, waxaana ugu muhiimsan in la isku fahmo qodobo ay kamid yihiin doorashada dalka iyo hanaanka loo marayo.

Hoos ka Akhriso qodobada shirka maanta looga hadlayo:-

1: Dhinaca siyaasada iyo cida xaqa u leh inay jaangooyso nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa markii ay dhamaato xilheynta Madaxda dowladda federaalka.

2: in Heshiis buuxa laga gaaro Qodobka 51aad ee dastuurka kaas oo cadeynaya heerarka iyo xiriirka Iskaashi ee dhexmara Dowladda iyo Dowlad  goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3: Sidoo kale Madaxda ayaa shirkooda waxa ay uga hadlayaa arrimo la xiriira dhinaca abaaraha, iyada oo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ka digeen cabsi laga qabo abaar ku dhufato Gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya.

4: Qodobada ugu xasaasin ayaa waxaa ka mid ah qeybsiga Kheyraadka, iyada oo shuruucda ay gacanta ku heyso Xukuumadda Soomaaliya,waxaana laga wada hadi doonaa sidii shuruucdaas loo hirgelin lahaa.

Si kastaba shirka Maanta oo Axad ah ka furmaya Magalada Garoowe ayaa noqonaya shirkii ugu xasaasisanaa ee dhexmara Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this