Sign in to follow this  
Deeq A.

Munaasabad lagu tageerayay Xisbiga MIDQARAN oo lagu qabtay Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (Shabelle Media Network):– Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Xisbiga MidQaran oo kamida xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Dalka Ayaan Manta lagu qabtay magaaladda Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, Waxaana munaasabada ka qeyb galay Odayaal dhaqameedyo, aqoonyahano, Siyaasiin, ururada Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladda Baladweyn ee Caasimada Gobolka Hiiraan.

Dadkii madasha ka hadlay ayaa soo dhaweyay Xisbiga MidQaran oo kamida Xisbiyada siyaasadeed ee dhawaan la meel mariyay waxa aay shegeen in xisbigaan uu xisbiyada kale uga duwanyahay in hogaanka Xisbiga Dr Abdinur Sheikh Mohamed uu yahay aqoonyahan iyo siyaasi si dhow ula socda xaalada soomaaliya waxbadana dalka ka badali karo hadii uu xisbigaan guleeysto, sidoo kale dadkii munaasabada ka hadlay waxa aay shegeen in Dr Abdinur Sheikh Mohamed uu wax badan ka shaqeynayay arimaha waxbarashada soomaaliya, waxa uu waqti badan galiyay in nidaamka waxbarasho ee soomaaliya uu fariisto, isagoo lagu xusuusto xiligii uu ahaaa Wasiirka Waxbarashada soomaaliya iyo in uu Wax badan ka badalay nidamkii waxbarasho ee dalka ee xiligaasi.

Nabadoon Shuuriye Xuseen Xayoow oo kamida nabadoonadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Xisbiga MidQaran” Waan soo dhaweynayaa Xisbiga MidQaran Waxaan u rajeynayaa in uu wax badan kusoo kordhiyo dalka, waan ku kalsoonahay hogaanka Xisbiga oo ah nin waaya-araga aqoonyahan ah wadankana samata bixin Kara ” sidaasi Waxaa yiri ” nabadoon Shuuriye Xayoow”

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Xaawo Axmed Maxamed oo ku hadleysay Magaca Haweenka Gobolka iyadoo bogaadisay Xisbiga MidQaran iyadoo hogaanka Xisbiga kula dar-daarantay in aay xoojiyaan howlaha Xisbiga si soomaaliya aay uga gudubto nidaamka hadda aay wax ku qeysato oo aay sheegtay in soomaalida aay daashatay.

Wasiir Xuxigeenka Dastuurka Maamulka Hirshabelle ahna Xildhibaan ka tirsan Maamulkaasi Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo kamid ahaa mas’uuliyintii kulanka lagu Casuumay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo in soomaaliya aay u guurto nidaamka xisbiyada waxa uu bogaadiyay hogaanka sare ee Xisbiga MidQaran Dr Abdinur Sheikh Mohamed, Isaga oo sheegay in Madaxda Xisbiga MidQaran aay xisbiyada kale uga duwanyihiin in aay yihiin aqoonyahano xaalada dalka la socda wax badana usoo joogay isagoo xusay in Madaxda Xisbiga aay yihiin kuwii samata bixin soomaaliya.

soomaaliya ayaa u Muuqata mid u gureeysa nidaamka xisbiyada, iyadoo siyaasada soomaaliya muddo dheer lagu jaan goynayay nidaamka wax ku qeybsiga 4.5, dadka arimaha siyaasada falaqeeya ayaa bogaadiyay oo soo dhaweyay in siyaasada soomaaliya aay u guurto nidaamka xisbiyada iyagoo dhaliilay nidaamka wax ku jan-goynta qabiilka ee 4.5.

Dowladda soomaaliya dhawaan waxa aay meel marisay nidaamka xisbiyada siyaasadeed ee dalka, Xisbiga MidQaran waxa uu kamid yahay xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ee la ansixiyay.

3abd54e5-ee63-447b-95df-1ce99861981e 498a9478-d4c5-4d1d-89bb-bff03cc527ec 4103e1af-98c4-4785-bf5d-5d6123f0cc5a 26460867-074f-45b7-9ee1-03475926e2a0

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this