Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo gacanta ku soo dhigtey qaar ka mid ah raggii dilay saraakiisha

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Wararka aanu hadda ka helayno deegaanada Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Somaliland ay gacanta kusoo dhigeen qaar kamid raggii diley labadii sarkaal ee dhowaan lagu dilay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Warar xogogaala ayaa sheegaya in howlgalo ay fuliyeen Ciidamadu ay kusoo qabteen ku dhawaad 8-nin oo ku eedeysan dilkaasi, kuwaasi oo ku dhuumaleysanayey buurta Buur-dhaab ee gobolka Saraar.

Ciidamada Boolisku ayaa waxa kale oo ay gacanta kusoo dhigeen 4-gaari oo ay wateen raggan la soo qabtay, iyaga oo weli baadi-goob ugu jira ragg kale oo firxada oo iyaguna ku eedeysan dilkaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Ciidamada Booliska Somaliland oo ku aadan howl-galadan ay ku soo qab-qabteen dableydii ka dambeysay dilkii labada sarkaal.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this