Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhegaysiga dacwadda loo haysto rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas oo dib loo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa saaka dib u dhigtay dhegaysiga dacwadda loo haysto rag ku eedaysan kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Maxkamadda ayaa kadib markii ay dhegaysatay dacwadda xeer-ilaalintu ku oogtay 10-ka eedaysane waxay hadalka siisay qareennada eedaysanayaasha balse mid kamid ah qareennada ayaa codsaday in dib loogu dhigo dhegaysiga kiiska si ay wakhti iyo xog ku filan u helaan.

Intaasi kadib maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay dhegaysiga dacwadda loo haysto ragga ku eedaysan kufsigii iyo dilkii gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aadan.

Maxkamaddu waxay sheegtay in mar kale dacwadda la dhegaysan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda.

Faahfaahinta halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Dhegaysiga dacwadda loo haysto rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas oo dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this