Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuuriyada Waqooyi Oo Gantaallo Cusub Tijaabisay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pyongyang)-Dawladda Kuuriyadda Koonfureed ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in Kuuriyada Woqooyi ay tijaabisay tiro gantaalada nooca riddada gaaban ah. Arrintan ayaa u muuqata talaabadii u dambeysay ee Kuuriyada Woqooyi ay qaaddo ka dib markii uu burburay wadahadalkii nuclearka ee Maraykanka iyo iyada u dhexeeyey.

C17E0E43-BD57-4707-A484-292D2ED7413C_w10

Madaxa shaqaalaha ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in K. Woqooyi ay tuurtay gantaalo xiriir ah oo ay ka soo gantay magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Wonsan, in yar ka dib 9 aroornimo ee xiliga dalkaas.

Faahfaahin kale oo dheeraad ah lagama bixin gantaalada, hase yeeshee, gantaalada riddada dhawi xadgudub kuma aha cunaqabateynadii caalamiga ah ee saarnaa barnaamijka gantaalada ee Kuuriyada Woqooyi.

Dawladda Kuuriyada Wqooyi ayaanan ka hadlin tijaabadan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this