Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo sheegtay in ay qabatay Sarkaal katirsan Alshabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN):–Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan oo laga sameeyay degmadda jannaale lagu soo qabtay Xubin Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha.

Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay xubin muhiim ah.

‘’Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al-shabab’’ ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Ma’ahan markii ugu horeesay ee ay Hay’ada NISA shaaciso in ay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad ka tirsan al-shabab.

Inkastoo aysan Hay’adda NISA shaacin Magaca Xubintan Alshabaab, ayaa  inta badan Ciidamada Nabadsugidu waxaa ay sheegaan in ay soo qabteen Saraakiil Muhiim ah oo ka tirsan Alshabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this