Sign in to follow this  
Deeq A.

Dablay Afduubtay Qaar Kamid Ah Ehelada Madaxweynaha Dalka Nigeria.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nigeria)Dabley hubeysan ayaa hoggaamiye dhaqameed maxalli ah ka afduubtay degmada Daura ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen booliska.

8165299B-6626-4212-87DF-180A2DF054A6.jpe

Ninkan la afduubtay ayaa kamid ah ehelka madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari.

Muusa Cumar ayaa xalay ay dableydu ka afduubatay xilli uu ku sugnaa gurigiisa, sida uu Radio lugo badan u sheegay afahayeen u hadlay booliska gobolka Katsina.

Deegaanka uu afduubka ka dhacay ayaa waxaa kasoo jeeda madaxweynaha Nigeria.

Dableyda ayaa dhaawacday mid kamid ah booliska ilaalinayay ninkan.

Xafiiska madaxweyne Buhari kama uusan hadlin weerarkaas.

Inta badan, kooxaha wax qafaasha ee ka howlgala waqooyiga Nigeria ayaa codsadaa in la siiyo lacago madax furasho ah.

Talaadadii, koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday labo tuulo oo ku yaalla gobolkan, waxaa ay ku dileen 14 qof.

Dowladda Nigeria waxay sheegtay inay tallaabo qaadeyso balse waxay u muuqata in xaaladda ay faraha ka baxday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this