Sign in to follow this  
Deeq A.

Jilaa Caan Ah Oo La Aqal Galay Gabadh Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Canada)-Idiris iyo Sabrina Dhoorre ayaa is aroosay. Iyada oo heshiiskooda guurka uu dhacay sanadkii 2018-kii, 26-ka April ee sanadkaasina ku iclaamiyey huteelka Ksar Char Bagh ee ku yaalla Marrakesh iney isguursanayaan.

106620259_3c85320e-6ea3-4cbd-994e-a0a8bf

Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhowre waxay soo xidhatay dhar cad oo qoorta ka go’an oo ay caruusadaha xidhaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska.


Xafladdooda arooska oo soconeysa seddex maalmood waxaa ka soo qayb galay saaxibbada iyo ehelada caruuska iyo caruusadda, xafladda arooska habeenka ka horreyeyna waxaa dhacday casha sharaf lagu qabtay Amanjena oo qayb ka ahayd xafladda arooskooda.

Maantana wuxuu arooskooda ka dhacay Mandarin Oriental oo looga diyaariyey xaflad aad loo soo agaasimay.

Haddaan dib u milicsanno waayaha Saabiriin iyo Idiris
Saabriin Dhoorre (Sabrina Dhowre) waa 29 jir asalkeedu Soomaali yahay, laakinse ku dhalatay, kuna barbaartay waqooyiga Ameerika.
Waxay muddo wada noolaayeen, una alkuman tahay jilaaga caanka ag ee Britain u dhashay Idiris Elba.

Mihnadda Saabriin waa jilaa iyo xayeysiinta dharka. Waxay 2014 ku guulaysatay tartanka quruxda gobolka Vancouver ee dalka Canada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this