Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Gobolka Sool oo guddoomiye cusub loo magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdirsiaaq-Warsame.jpg?w=1000&ssl=1Cabdirisaaq Maxamed Warsame

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sool.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka oo aan saxaafadda lala wadaagin ayaa guddoomiyaha  gobolka Sool ee Puntland lagu  magacaabay Cabdirasaaq Maxamed Warsame oo ah nin dhalinyara.

Dikreetada ayaa soo baxday laba maalmood ka hor oo ku beegan Khamiistii xilligaasi oo madaxweynaha Puntland uu safar ku joogay magaalada Nairobi islamarkaana uu ku simaha madaxweynaha ahaa mudane Axmed  Karaash.

Gudoomiyahan cusub ayaa la magacaabay 5 bilood kadib markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee gobolka Sool Abukar Cabdi Geelle oo xilka hayay mudda 6 bilood ah.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Deni waxaa la magacaabay mas’uuliyiin kala duwan oo aan shacabka iyo warbaahinta midna lala wadaagin macaabistooda iyadoo maalmo kadib la arko xafiis qof joogay oo qof kale fadhiyo.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Gobolka Sool oo guddoomiye cusub loo magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this