Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Madaxweyne Deni maxay uga aamusan tahay abaaraha ka jira Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Deegaanada Puntland waxaa laga soo sheegayaa abaaro xoogan oo samayn ku yeeshay dadka iyo duunyada, abaarahan ayaa si siman uga jira guud ahaan goboladda, waxaana isa soo taraya qaylo dhaanta kasoo yeeraysa dadka ku nool dhulka miyiga.

Sida ay sheegaayaan wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST waxay tilmaamayaan in xaalada ugu xun ee hada jirtaa ay tahay biyo la’aan samayn ku yeelatay dadka iyo xoolahooda.

Waxaa aad deegaanada Puntland ugu yar ama aan da’inba roobkii gu’ga illaa hada, iyada oo ay xusid mudan tahay inuu horayna u yaraa xili roobaadkii ka horeeyey ee dayrta, waxaana arimahani sababeen in dadka iyo xooluhuba u adkaysan waayaan abaarta daran walow waayadii danbeba ay xooluhu ku noolaayeen raashinka caadiga ee ay dadku quutaan.

Maxay Dawladda Puntland uga aamusan tahay abaarahan?

Xiliyadan oo kale dawladda Puntland waxay ku dhawaaqi jirtey in deegaanadeeda ka jiraan abaaro, iyadoo baaq u diri jirtey hay’adaha caalamiga ah, isla markaana dawladda qudheedu bilaabi jirtey wax ka qabashada xaaladaha jira hadba wixii ay awoodo, sidoo kale waxaa la samayn jirey gudi heer wasiiro oo arimaha abaaraha iyo taakulaynta dadka ay saameeyeen qaabilsan.

Xukuumadda billaha yar jirta ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Siciid Deni inkastoo ay dhawaan abaabushay roob doon aan goboladda sidii la rabey uga wada dhicin, illaa iminka si mugleh ugama hadlin abaarahan, mana jirto gudi gaara oo ay xukuumaddu u xil saartay taakulaynta dadka reer miyiga iyo xoolahooda.

Dadka ay abaaruhu haystaan ayaa Alle ka rajaynaya inuu xaaladan ka saaro maadama aysan jirin wax u dhigma raxmada Eebe oo ay kusoo kaban karaan, hadana waxay tabanayaan dhaliil iyo gaabis ka jira dawladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Madaxweyne Deni maxay uga aamusan tahay abaaraha ka jira Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this