Sign in to follow this  
Deeq A.

Eedeymo kulul oo loo jeediyay madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eedeyn kulul u jeediyay maanta dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Farmaajo, iyagoo sheegay inaysan waxba qaban hawlihii loo igmaday.

Xisbiga_Himilo_Qaran_Xamar.jpg?w=1000&ssSheekh Sharif, Xasan Sheekh iyo Jawaari

Hadalkan ayay ka sheegeen labada madaxweyne munaasabad uu Muqdisho ku qabtay xisbiga Himilo Qaran oo uu aasaasay Sheekh Shariif, kaasoo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda hadda jirta.

Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah inaysan waxba ka qaban amniga dalka, sidoo kalena ay ka gaabisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay in halkii ay uga tagtay dowladdii midan ka horreysay uu weli taagan yahay.

“Al-shabaabkii aan shalay Muqdisho iyo gobolo badan oo wadanka ka mid ah aan ka xoreynay in maanta nala yiraahdo dekedda Mogadishu ayay canshuur ka qaataan looma dulqaadan karo, annagu dowladda diyaar baan ula nahay inaan ku garab-istaagno hawlaha looga igmaday haddii ay doonayso inay wax ka qabato,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale, Wuxuu dowladda hadda jirta ee uu hoggaamiyo Farmaajo ka dalbaday inay wax ka qabato saddex arrimood oo kala ah; Wax-ka qabashada Amniga oo meel fog laga keenay, dhameystirka Dastuurka KMG ah ee dalka iyo inay xilli hore caddeyso nooca doorashada dhacaysa 2020-ka si loogu diyaar garoobo.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa isagana ka hadlay goobta wuxuuna sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay maanta mareyso meel xun oo loo baahan yahay in si deg-deg ah loo badbaadiyo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ah ay caburin ku hayso siyaasiyiinta dalka ku sugan qaarkood, isagoo xusay in awood sheegashada dowaldda ay dalka burburin karto haddii madaxda sare ee hoggaanka haysa aysan muujin tanaasul siyaasadeed.

“Waddanka hoggaamiye xoog badan iyo shacabka oo lagu qabto gacan bir ah – afkana la qabto waa tan maanta soddon sano na dhigtay meesha aan maanta aalno, fidnadii ka dhalatayna weli way socotaa,” ayuu Xasan Sh. Maxamuud ku yiri hadalkiisa.

Ugu dambeyn, wuxuu hadalkiisa ku yiri. “Dadka waa hadlayaan, haddii laga hor istaagana si walbo ahaado waa isu tagayaan, haddii Qaranka wax kasoo hor-jeedo laga hadlana Qaran dumis in la yiraahdo waa afqabasho iyo wax aan raalli laga noqonayn, dhaqan suubanna ma ahan.”

PUNTLAND POST

The post Eedeymo kulul oo loo jeediyay madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this