Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo dalbaday in dowladda Farmaajo ay caddeyso saddex qodob

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay Xaaladda dalka, waxaana uu sheegay in dowladda Maanta jirtaa aysan Mas’uuliyad badan iska saarin Xaaladda dalka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan daacad ka aheyn dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

“Shabaabkii aan shaley Muqdisho iyo gobolo badan oo dalka ah ka xureyney in nala yiraahdo maanta Dekeda Muqdisho ayey Canshuur ka qaataan looma dulqaadan karo, anagu Dowlada diyaarbaan ula nahay inaan ku garab istaagno” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif ayaa hordhigay dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay Caddeyso Saddex qodob oo kala ah:

1. Qorshaheeda amniga dalka, oo meel fog laga keeney
2. Goorta ay soo dhameystirayso dastuurka kumeel gaarka ah
2. Inay xili hore caddeyso nooca Ddoorashada 2021

Sheekh Shariif ayaa Muqdisho kusoo laabtay jimcihii, wuxuuna daaha ka rogay xisbigiisa cusub ee Himilo Qaran, oo la filayo inuu ka mid noqdo xisbiyada ugu miisaanka culus ee doorashada dalka ka dhaceysa 2021.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this