Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo la kulmay R/wasaaraha Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Addis Abbaba ee caasimada dalka Itoobiya ayaa halkaasi kula kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Labada masuul oo kulankooda uu ka dhacay qasriga madaxtooyada Itoobiya ayaa looga wada hadlay iskaashiga caalmiga ah ee ay wadagaan labada dal.

Sidoo kale kulanka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa diirada lagu saaray heshiisyo ay horay u kala saxiixdeen labada dhinac iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Kulankooda ayey ku soo hadal labada masuul sidoo kale horumarka dekadaha iyo adkeynta xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland,si ay qeyb uga noqoto heshiiska nabadeynta gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay Itoobiya,waxaana si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalkaasi.

Inta uu madaxweynuhu joogo Addis Ababa waxa uu kulamo looga hadlayo nabadeynta gobolka iyo dhaqaalaha geeska Africa la yeelan doonaa R/wasaare Abiy Axmed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this