Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Wiil 7 Bilood Jiray Oo Laga Soo Saaray Dhisme Ku Dumay Qarixii Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dhismayaasha ku teedsan wadada Maka Al-Mukarama ee saameeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen habeenkii Khamiista ayaa wali waxaa laga baadi goobayaa meydadka dad xilliga qaraxa uu dhacayay ku sugnaa, kuwaasoo aan dib dambe loo arag.

burbur.-696x522.jpg

Saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka samata bixinta ee wali socda lagu soo saaray meydka Ilmo yar oo todobo bilood jira, kaasoo ka mid noqday dadkii lagu xasuuqay weerarka khasaaraha badan dhaliyay.

Ilmaha yar oo lagu magacaabo Munasar Maxamed ayaa la noolaa Hooyadiis oo ka shaqeyneysay mid kamid ah goobaha Dumarka lagu qurxiyo (Beauty Salon) ee ku taallay mid kamid ah dhismayaasha weerarku qabsaday.

Kaamirada qarsoon ee (CCTV), ayaa soo bandhigtay dhaq dhaqaaqii u danbeeyay ee Ilmaha yar, taasoo muujisay inuu ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa marka uu qaraxa dhacayay, iyadoo baadigoob dheer kadib ugu dambeyn la soo saaray, isagoo la sheegay in 7 bilood ee uu noolaa uu noloshiisii dhameyd ku soo qaatay goobta Dumar Qurxinta ah.

Gabadh maamulo ka aheyd dhismaha uu wiilka yar ku geeriyooday ayaa sheegtay in marka qaraxa uu dhacayay ay dhismohooda ku sugnaayeen illaa 16 qof oo macaamiishooda ka mid ahaa, kuwaasoo xilligaasi adeeg loo qabanayay.

Waxay kal oo ay sheegtay iney maqashay geerida 10 qof oo si wanaagsan ay isu garanayeen, kuwaasoo ka shaqeynayay dhismayaasha ka agdhaw halka weerarku ka dhacay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this