Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal lagu dilay Magaalada Baled-weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu saakay dil ka dhacay.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Howl-wadaag ee magaada Baledweyne.

Koox hubeeysana ayaa toogtay sarkaal katirsanaa ciidamada Militariga Soomaaliya.

Ragaan hubeeysan ayaa waxa ay dileen allaha u naxariistee Cumar Cabdi Mahad oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolka Hiiraan.

Sarkaalkaasi ayaa la dilay xili uu ka soo baxay hooygiisa islamarkaasin Uu ku ssiijeeday fariisin ciidamada dowlada aayku leeyihiin magaaladaasi.

Ciidamada Booliska ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo wada baaritaano ku aadan cidii falkaasi geeystay.

Goobjoogayaal ayaa Puntland Post u sheegay in kooxihii dilka geeystay ay goobtaasi isaga baxsadeen.

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolkaHiiraan ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan iyo qaraxyo la la eegto ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM

PUNTLAND POST

The post Sarkaal lagu dilay Magaalada Baled-weyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this