Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno Iyo Waalidiinta Dhalinayaro Loo Xidh-Xidhay Mudaharaad Ay Sameeyeen Oo Baaq U Diray Madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-12 Dhallinyaro ah oo loo haysto inay sameeyeen Mudaharaad Cabasho ah ayaa loo soo dhaadhiciyay Jeelka dhexe ee Hargeysa, ka dib markii Khamiistii Toddobaadkii hore laga soo qaaday Magaalada Gabiley.

Boolis.jpg

Dhalinyaradan ayaa laba ka mid ah waxaa la xidhay 22 kii bishii dhamaatay, ka dib markii ay dareenkooda ka dhiibteen su’aalo laga weydiiyay cisbitaalka magaalada Kalabaydh oo daryeelkiisa caafimaad laga deyriyey, halka toban dhallinyaro ah oo u badan Ehelka labada hore ee la xidhay na laga daba-geeyay oo la xidhay, iyadoo lagu eedeeyay inay waqti habeennimo ah mudaharaadeen.

Mid ka mid ah waalidiinta dhalinyarada la xidhay oo saxaafadda la hadlay, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xadhigga Wiilashooda oo uu sheegay in si gaar ah loo bartilmaamedsaday.

“In cid la xidhaa dhib maaha, laakiin, Dhowr arrimoodba waan la yaabnay, kow innamada hore ee la xidhxidhay haddaad eegto hadalkooda wax qof lagu xidho ma ay odhan. Waanad daawan kartaan Youtube-ka ayay ku jiraan waxay yidhaahdeen Wasaaradda caafimaadka waxqabadkeedu ma badna, Cisbitaalka Kalabaydhna wuxuu u baahan yahay shaqaale oo xataa dawooyin yar oo ay dhawaan keentay wasaaraddu cid bukaanka noo siisaa ma joogto. Markaa sababta marka koowaad ba loo xidhxidhay waanu la yaabay,” sidaas ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaa kale oo aanu la yaabnay in dadkii cabashada la weydiiyay ee shacabka ahaa Macalin Khadar Siciid Muxumed iyo Mustafe Axmed Sheekh Maxamed oo kali ah loo bartilmaameedsaday ee Mandheera loogu diray, kii duubay hadii ay danbi tahay cabashadu iyo kuwii weheliyayna loo sii daayay. Ta kale, ee aan la yaabnay waxaa weeye nooca xukunka oo la yidhi waxaad wadeen kicin dadweyne ee lama odhan hadalkiinu been buu ahaa.”

Waalidkan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, ”Ta kale, waxaan la yaabnay toban kale oo dhallinyaro ah oo laba ka mid ah ay walaalo yihiin labada hore ee xidhanaa ayaa laga daba geeyay oo la yidhi waa dadkii aad kiciseen oo habeennimo ayay mudaharaadeen iyaddoo aan la cadayn oo xaafadahooda uun laga soo ururiyay inta magacyadooda la qorqoray markaa waxaanu is nidhi ma waxay u jeedaan, waxaa la isku xidhayaa Gobolkii Gabiley waad mudaharaadi gaadheen. Ta kale, waxaa la yidhi bil ayaa la idinku xukumay Haddana Gabilay waa laga soo dhaadhiciyay oo bishii kala badh baabay xidhan yihiine waxaa lagala doonayo Mandheera ee Jeelka Hargeysana loogu sii dhixiyay iyana waan ka yaabnay, waxaan u aragnaa in Maayarka Gabiley, Taliyaha booliska iyo Badhasaabku ay kicinayaan dadka.”

Dhinaca kale, xildhibaan Mustafe Sayid Abokor oo ah guddomiyaha guddiga Nabadgelyada ee Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa ka hadlay xadhigga dhalinyarada oo dareenkooda ku soo bandhigay bannaan-bax salmi ah oo ay kaga cabanayeen adeegga caafimaad ee cusbitaalka magaalada Kalabeydh.

Xildhibaanku waxa uu masuuliyadda xadhigga dhalinyarada ku eedeeyey Maayarka magaalada gabiley. “Waxa Kalabeydh ka dhacay amar-ku taaglayn shacabka loo geystay. Dadka la xidh-xidhay waxay ka cowdeen cusbitaalka oo dayacan iyo baahida ka jirta. Waxa lagu eedaynayaa oo la leeyahay waxay ku mudaharaadayeen madaxweynaha, warkaasna waxba kama jiraan. Mudaharaadka la sheegayana cidiba ma ogeyn ee xadhiga dhalinyarada ayuunbaa lagu warhelay,” sidaas ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Haddaan ka warramo sida wax u dhaceen, markii hore waxa la xidhay laba macalin, markii dambe oo xilli habeenimo ahna dadkii magaalada ayaa guryahooda loo daatay oo la soo xidhay oo Hargeysa oo daadhiyey, halkaasna waxa looga sii gudbinayaa Mandheera.”

Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay madaxweynaha Somaliland inuu soo faro-gelayo arrintan oo uu ku tilmaamay mid ku kooban Maayarka Degmada Gabiley oo uu ku eedeeyey inuu manjaro-habaabiyey cabashada daryeel la’aan caafimaad oo la sheegay inay ka jirto Cusbitaalka magaalada Kala-beydh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this