Sign in to follow this  
Deeq A.

Dumar Xabsiga Loogu Guray Duruuc Midabka Calanka Buluugga Ah Ee Soomaaliya Oo Ay Xidheen Iyo Xildhibbaan Si Adag Uga Hadlay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Gabiley)-laba Dumar ah iyo rag la sheegay inay Meheradaha dharka lagu tolo ee dawaarka ah ku lahaayeen Gabiley ayaa xabsiga Gabiley loogu guray sababo la sheegay inay xidheen dhar midabka Calanka Soomaaliya ee Buluugga ah u eg.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Mustafe Sayid ayaa dhalinyartaasi ku booqday Xabsiga Gabiley, waxaana uu sheegay “labada hablood waan soo waraystay Maadaama oo aan ahay Gudoomiyaha Gudida Nabadgalyadda Golaha Deegaanka, diracyaddii lagu xidhayna waan soo arkay, Waa Dirac Buluug ah, oo Xiddigo Badani ku yaalaan, Calankii Soomaaliya maaha, Waa Dirac Buluugga ah oo illaa dhawr iyo labaatan Xidigood ku yaalaan, labadaasi Hablood Diricaasi ayay siteen oo Jabuuti looga soo diray, dirawaalihii tolayayna way u geeyeen, inankii dawaarlaha ahaa si xun ayaa loo garaacay, dil adagna waa loo gaystay, waanu xidhan yahay”.

Arintan ayaa ku beegnayd wakhtigii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Safar ku marayay Goboladda Galbeedka Somaliland ee Gabiley iyo Awdal, Waana Todobaadkii hore uun, balse Shalay ayuunbay arintani soo shaacbaxday oo uu Xidhibaankanina ka hadlay.

Daawo Xildhibaanka Oo Arintaasi Ka Hadlaya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this