Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay ujeedada ciidamada DANAB iyo NISA ula wareegaan madaxtooyada Cadaado?

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qorshaha ciidamada NISA iyo DANAB qeybta 21 aad ay ula wareegeen madaxtooyada magaalada Cadaado.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Galmudug kuna kala sugan Cadaado iyo Dhuusomareeb ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay ujeedada ka dambeysa in ciidamadaasi la wareegaan madaxtooyada magaalada Cadaado.

Maxamed Cabdi Aadan oo ah agaasimaha madaxtooyada Galmudug garabka kusugnaa magaalada Cadaado ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dambeyso qorshaha ciidamada ay kula wareegeen amaanka madaxtooyada.

“Waxaa nasiib daro ah in ciidamada DANAB iyo NISA ay weerar ku qaadeen xaruntii Madaxtooyada, halkaasi oo ay joogeen ciidamo daraawiish ah iyo kuwa ilaalin jiray amaanka, ciidamada DANAB oo Gaalkacyo jooga ayaa weerarka soo qaaday”.

“Dowladda waxaa ku nasiib daro ah inay ku fashilantay amniga Muqdisho inay sii qalqal geliso amniga maamul goboleedyada, waxaan uga digeynaa in ciidamada la wareegay madaxtooyada ay wax u dhimin agabka madaxtooyada yaalay”ayuu yiri Maxamed Cabdi.

Cumar Maxmed Guureeye oo kamid ah masuuliyiinta Galmudug ee ku sugan Dhuusomareeb ayaa dhankiisa sheegay in ciidamo ay xogtooda hayaan ay la wareegeen madaxtooyada magaalada Cadaado.

“Ciidamo horey u joogay ayaa laga wareejiyay amaanka madaxtooyada, waxaana lagu wareejiyay ciidamada NISA qeybta Galmudug,anagaa dooranay in ciidamada NISA ee Galmudug la wareegaan amaanka madaxtooyada”ayuu yiri Mr Guureeye.

Xogo Caasimada Online heleyso ayaa sheegaya in ujeedada ciidamada loogu wareejiyay madaxtooyada Cadaado ay tahay gogol xaarka doorasho dhawaan la filayo inay ka dhacdo magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Mqudisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this