Sign in to follow this  
Deeq A.

“Wasiirkii iisoo qoro waxaan tabartiisa aheyn waxaan kula xisaabtami doonaa 100 maalin kadib”

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa digniin u diray golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed ee dhawaan xilkooda la wareegay.

Wasiirada maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay inuu ka sugayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo gudbiyaan waxqabadka 100-ka maalin ee soo socda, isaga oo sheegay in la iskula xisaabtami doono.

Wasiirada ayuu uga digay inay soo qortaan waxyaabo aysan qaban karin, maadaama sida uu sheegay loo baahan yahay wasiir walbaa qorshaha uu soo gudbiyo inuu ku dhaqan geliyo 100 maalin kadib.

“Waxyaabo aadan qaban karin ha iisoo qoran Wasiir walbaa waxaa laga doonayaa inuu soo qoro waxa uu qaban karo 100 maalin kadib, haddii aad soo qoroto waddo ayaan dhisayaa, Isbitaalo ayaan furayaa oo aad sameyn weyso ogow taasi lagaama aqbalayo”.

“Waxaa ka wanaagsan inaad dhahdo 100 maalin kadib caagaan ayaan halkaan ka qaadayaa oo halkaa aan geynayaa, laakiin waxaadan awoodin haddii aad soo qorato ogow lama aqbalayo”ayuu yiri madaxweyne Lafta Gareen.

Wuxuu kula dardaarmay golaha wasiirada inay si dhow u wada shaqeeyaan, maadaama howlo badan ay hortaalo maamulkiisa, isagoo shacabka ka codsaday inay dhankooda kaalintooda qaataan.

Deegaano badan oo ka tirsan Koofur Galbeed waxaa ku sugan Al Shabaab, waana caqabada koowaad ee hortaala Lafta Gareen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this