Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Yaa ka dambeeya ololeha ka dhanka ah R/W Kheyre, maxayse rabaan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa khilaaf aan jirin oo baraha bulshada lagu baahiyey inuu u dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dadka faafinaya warkan ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay waxay wadeen olole ka dhan ah Ra’iisul waasare Xasan Cali Khayre, oo lagu eedeynayay in uu madaxweynaha khiyaamay, isla markaana uu doonayo inuu madaxweyne isku sharraxo 2020-ka.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in ololaha ay horboodayaan siyaasiyiin iyo ganacsato ay isku heyb yihiin madaxweynaha oo aan la dhacsaneyn awoodda shaqo ee badan ee uu Farmoojo siiyay Ra’iisul Wasaarihiisa, marka ay timaado maamulka hay’adaha dowladda.

Siyaasiyiintan iyo ganacsatadan ayaa u arka, maadaama ay madaxweynaha ku beel yihiin, in ay xaq u leeyihiin helidda qandaraasyo waa weyn oo la filayo in ay dowladdu bixiso, taasi oo ra’iisul wasaaraha aanu ku raacsaneyn, islamarkaana uu doonayo in loo maro nidaam sharci ah.

Caasimada Online ayaa la socotay kulamo is daba-joog ah oo siyaasiyiintan ganacsatada ah la yeesheen madaxweynaha, kuna wargeliyeen in aysan aqbali karin sida uu ra’iisl wasaaruhu u qoondeeyay in loo bixiyo qandaraasyada oo ku saleysan mid daah-furan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa toddobaadkii hore soo saaray wareegto uu ku sheegay in aysan jirin hay’ad ama wasaarad iskeed qandaraas u bixin karta iyada oo aan la soo marin golaha wasiirrada iyo hay’adaha ay khuseyso.

Wareegtadan ayaa ahayd dhammaadka wadahadal ay ganacsatada madaxweynaha la heybta ah ay ka qabeen in Khayre lagu qanciyo.

Siyaasiyiintaan ayaa kaidb ololahaan u qaaday in ay ra’iislu wasaaraha cadaadis ku saaraan iyaga oo kaashanaya warbaahin ay lacago siiyeen iyo baraha bulshada, si ra’iisul wasaaraha loo cabsi geliyo.

Si kastaba, Kheyre ayaa taagero weyn ka helay Soomaalida, gaar ahana dadka adeegsada baraha bulshada, oo xitaa kuwa horey u mucaaradsanaa ay taageereen, markii ay dareemeen in waxyaabaha lagu eedeynayo xittaa haddii ay sax yihiin ee ah “hami siyaasadeed” aysan waxba ku jabneyn.

Caaismada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this