Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadal Xanaf Leh Oo Shalay Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Biixi Oo Dad Badan Ka Cadhaysiiyay, Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI Oo Si Adag U Naqdiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Hadal uu shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka sheegay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxa uu muran xooggan ka dhex abuuray bulshada reer Somaliland.


Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa si adag u naqdiyay hadalkaa ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Dadka buraha bulshada wax ku qora ayaa si weyn u qaada dhigay hadalkan Madaxweynuhu ka sheegay Magaalada Boorama iyada dadka qaar sheegayaan in hadalkaasi uu ahaa mid lagu kala qaybinayo bulshada Somaliland iyo mid qadaf ku ah bulshada reer Somaliland ee gobollada Bariga Somaliland, dad qaar ayaa waxa ay sheegayaan in hadalkaasi uu meel ka dhac ku ahaa meeqaamka Madaxweyne Muuse Biixi maadaama oo uu yahay Madaxweyne ka soo jeeda galbeedka Somaliland meesha uu hadalka ka sheegayna ay ahayd galbeedka Somaliland.


Halkan hoose ka DAAWO hadalka Madaxweynaha iyo qaabka ay uga hadleen xisbiyadda UCID iyo WADDANI


Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this