Sign in to follow this  
Abdulladiif Al-Fiqih

Rumayso Waa Rune

Recommended Posts

RUMAYSO WAA RUNE(1)

 

Waa 24/05/94-kii aniga oo ah C/KARIIM FAARAX SIRAAD SUGULLE iyo mujaahid kale oo iga da’ yar FAARAX SIRAAD ROOBLE ayaa waxaa naloo soo diray inaan hawl gal ka samayno magaalada Dh/buur gudaheeda, xoogga waxaan saarnay haddii kolba ay tahay inaan Naftayada khatar galinayno inaan ugaadhsanno gaalo saraakiil ah.

 

 

Aroor hore oo salaadda subax la tukaday ayaannu soo gallay magaalada, hubna waxaan sidannaa Bastoolad iyo Hal Bambo. magaaladii ayaan ka shaahaynnay oo ka quraacannay, waxaanan mar-marnay jidadkeeda bal inaan wax baylah ah la kulanno.

 

 

Waxaan ka warqabnay in kuwa saraakiil ahi subax walba u soo dhaadhaacaan magaalada oo QABALAHA la shiraan waxaanan fadhiisannay meeshii aan is lahayn seegi maayaan.

 

 

Goor ay tahay 1:30 aroornimo ayaa waxaa noo muuqday (6) nin oo Askar ah oo laba ka mid ahi Buugaaag gacanta ku sitaan qoryana aan wadannin, 4-ta kalena ay hubaysanyihiin. In muddo ah ayaan iska garab soconnay bal in ay kala baxaan, sidaan filaynayana 4-tii ayaa meel ku hadhay, mid kuwii buugaagta sitay ah iyo mid Askari ah oo qori sitana horey ayay u dhaqaaqeen.

 

 

Saaxiibkay ayaan ku reebay 4-tii oo ku idhi kuwan ayaan ugaadhsanayaaye marka xabbaddu billaabato hadday xaggayga u soo ordaan Bamka dhex dhigo.

 

 

2-dii markay kuwii ka durkeen walina suuqii magaalada oo aan dad badnayn socdaan ayaan kii buugaagta sitay dhafoorka kaga dhuftay xabbad markuu dhacayna kii kale ee qoriga sitay oo arga-gaxay ayaan isagiina 2 boobsiis ah shafka kaga dhuftay isna waa dhacay, anigana waxaan u dhaqaaqay kii sarkaalka ahaa oo aan doonayay inaan hubsado mid [xabbad] ayaan u dhiibay markaan bakhtigiisa hubsaday ayaa waxaan doonay inaan qoriga ka qaato kii kale oo isna dhaawac ahaa, laakiin markaan ku foorarsaday ayuu haraati lawga igaga dhuftay oo dib ii riday, ka dibna Bastooladdii ayaan is idhi dhafoorka kaga dhufo balse mid macawis iyo shaadh caadi ah qaba ayaa aniga oo ninkii buursan xabbad Bastooladeed qar-qarka igaga dhuftay, aniguna ma dhugane kii ayaan dhafoorka kaga dhuftay.

 

 

Isla markiba intaan booday ayaan kula jeedsaday kii xabbadda igu dhuftay Balse wuxuu ku cararay Maqaayad noo dhaweyd oo dad badani raashin ka cunayay, kama hadhine aniga oo baacsanaya ayaan ka daba galay.

 

Dadkii wax cunayay ayaa Tawxiidka boobay aniguna xabado ayaan ninikii bawdyaha kaga jabiyay oo Bastooladiisii ayaa inta ay ka duushay waxay ku dhex dhacday halka raashinka lagu kariyo markuu dhacay ayaan mid kale ku riday Balse waan la gafay.

 

 

Ninka waxaan u haystay Jaajuus Soomaali ah oo makhaayaddana qabiilkoodu leeyihiin marka Bastooladdii uma hawoonin oo waxaan ka baqayay in dadkaasi I qabtaan laakiin inatay arga-gaxeen ayuu nin waliba cuntadii gacanta ama afka ugu jirtay dibadda ula cararay ninkuna wuxuu ahaa Tigree ee ma noqon Soomaali aniguse bastooladdii ayaa xabbadaheedii iga dhammaadeen oo isaga oo dhaawac ah ayaan ka tagay.

 

 

Ka dib aniga oo dhiiggu iga qubanayo oo xabbaddu naaska iyo qar-qarka isaga kay baxday ayaan ku soo laabtay kii qoriga la bakhtiyay oo tar-tiib ugala baxay qorigii .

 

 

Ninkii saaxiibkay ahaa kuwii aan ku ogaa markii ay xabbadda maqleen xeradii ayay u yaaceen ee ma soo birmannin marka wuxuu ii yimid isagoo bamkiisii wata markuu arkay dhiigga iga baxayana wuxuu I yidhi war ma dhaawac baad tahay qoriga ii dhiib.

 

 

Waxaan ku idhi maya ee waa kuwii aan laayay dhiiggoodii ee iga hadh oo aag kale ka bax, dhowr goor ayuu igu cel-celiyay ma dhaawac baad tahay isaga oo shakisan aniguna sidii ayaan ku adkaystay markaa aag kale ayuu ka baxay oo waa tagay isga oo bad qaba oo aan Bastooladdii u dhiibay.

 

 

Anigu qorigii ayaan suuqa la soo dhex maray markaa raggu waxay I lahaayeen(war na garab mar ha na gubine) Dumarkuna inta ay shafka garaacaan ayay lahaayeen iyagoo ii naxsan [Allah....Allah... war horey u tallaabso intaan lagu soo gaadhin, Alla.. Alla.. waa dhaawac]iwm.

Mawduuceenan oo aan cadadkii hore kaga soo hadalnay qisadii yaabka badnayd ee Mujaahid C/kariim Faarax Sugulle ku qabsatay Dh/buur, ee innoo joogtay ragga oo naga carar iyo Dumarka oo lahaa Alla.. war horey u tallaabso ka dib markii Mujaahidkii isagoo dhaawacan oo sita qori uu ka furtay gaaladii uu laayay uu soo dhex maray Suuqa.

 

 

Innagoo halkii ka sii wadaynnaa bal aan idiin kala baxo C/kariim oo halkii ka sii wada:- Wax yar markii aan socday ayaa dhiig bixii wuxuu igu keenay in Indhuhu I madoobaadaan Waxaan fadhiistay meel jidka dhinaciisa ah Gabadh aanan garaneyn oo markay dhiigga igu aragtay I soo daba gashay ayaa dhowr jeer i tidhi walaalow meesha isaga kac goor dambe ayaan wax arkay waxaanan go’aansaday inaan xaafad igu dhaweyd galo, balse markii aan galay oo qol ka mid ah dhex fadhiistay ayaa reerkii lahaa ka qaxay intuu qolkii aan ku jirey mooyee labadii qol ee kale qufullo ku jabiyey.

 

Markii reerkii iga cararay ayaa waxaa iga daba timid oo ii soo gashay gabadhii oo intay I waraabisay Faashad aan sitayna igu duubtay. Gabadhii waxay u kacday reerkoodii waxayna ii keentay Macwiis, Funaanad suuf ah iyo 2 go’.Funaanaddii intay isku laalaabtay ayey ku gufaysay meeshii Naaska korkiisa ahayd ee dhiiggu ka socday, ka dibna 2-dii go’ midkood intay jeex-jeexday ayey si jeeni qaar ahaana ugu xidhay goobtii dhaawaca, waxa kale oo ay i siisay xanuun bi’iye waxayna iigu muuqatay mid khibrad dhakhtarnimo leh.

 

 

Inta ay xaaladdaasi dhacayso ayaa waxaa Magaalada la saaray bandoo, waxaana dhex wareegaya gaadhi makarafoon saaran yahay oo ku dhawaaqaya ninkii Magaalada ayuu ku jiraa, waa dhaawacan yahay ee ha la soo saaro…. Ninkii qariya ciqaab xun ayuu mudanayaa.

 

Dhiiggii ayey soo raad qaadeen oo yimaaddeen halkii aan fadhiistay ee an ku dhiig baxay, cabbaar ayay fiir-fiiriyeen oo dabadeedna wareeggoodii sii wateen iyagoo ku dhawaaqaya waa ka dhiiggiisii aaggan ayuu ku jiraa ha la soo saaro. Wakhtigu waa is gurayaa oo markaa waa 4-tii saac ee Subaxnimo. Gabadhii ayaa waxay billowday inay Yaasiinka igu dul akhrido Balse iyadoo akhriyeysa ayaa aaggii waxaa soo kuuriyay koox (30) Tigree ah oo loo soo diray inay baadhaan 3 guri oo kan aan dhex fadhiyo uu ka mid yahay.

 

 

Gabadhii ayaan ku idhi orodoo gaaladii waa tane adigu isga kaaya dhex bax, Balse way diidday oo waxay tidhi “waan kula dhimanayaa” gabadhii waan bixin kari waayey illaa aan qoriga ku cabsiiyo, aakhirkiina waxay iga baxday iaydoo ooyeysa wax yar ka hor soo galitaankii Gaalada.

 

Gaaladii ayaa jabisay 2-qol ee kale Alaabtiina dibadda u soo saartay anigu qolka aan ku jiray Albaabka ayaan soo riixay oo daaqad shabaq leh ayaan dhaq-dhaqaaqooda kala socdaa. Waxaan go’aansaday maaddaama aanan rasaas haysannin inaan sugo kan u horreeya ee irridda soo riixa si intaan ku dhufto baagga ooga qaato oo ugu dagaallamo, Balse intay is hor tubeen qolkaygii oo had-hadleen farahana fiiq-fiiqeen ayey dareemeen oo igaba tageen.Waxaa jirtay halkan oo aan xusayaa in markii nimanku guriga isa soo hor tubeen anna aan sugayo soo galitaankooda in Hurdo Allah igu riday oo aan soo baraarugay nimankii oo meesha ka maqan.

 

 

Gabadhii oo ordaysa ayaa ii soo gashay aniga oo kitaab dhiig ka buuxo akhrisanaya, waxayna i warsatay siday wax u dhaceen anna waan uga warramay markaas ayey tidhi [Huunnooy awliyo ayaan kuu malayne miyaad tukataa?] Haa ayaan ugu jawaabay. Ka dib intaas waan seexday oo toosay makhribka agtiisa iyadooy ila joogaan gabadhii iyo mid kale oo aan anigu u farriin faray. Reerkii guriga lahaa ayaa yimid makhribkii aniga oo ay 2-dii gabdhood sahan I hor socda ii yihiin ayaan magaalada ka baxay in kastoo gaaladu jidadkoo dhan taagnayd.

 

 

Sidaas cajabta leh ayuu C/kariim kaga baxay magaaladii isagoo sita qorigii qaniimada ahaa wuxuuna haleelay Mujaahidiintii uu ka soo hawl galay ee Akhristow waa RUNE RUMAYSO.

 

RUMAYSO WAA RUNE!!!.(2)

 

 

Waa 8/05/94-kii waxaannu ka soo kacnay Ciidan mujaahidiinta ka tirsan oo

tirsigiisu dhan yahay 20 Nin joogayna Tuulada Suryada agteeda, taas oo u dhaw magaalada Dh/buur una jirta 60Km, Dhawr Cidmaal(2Beri) waxba ma aannan cunin oo Baahi ayaan la liidannaa. Waxaa Tuulo nagu dhaweyd loo soo diray Aniga C/RISAAQ YUUSUF DIIRIYE iyo Nin kale oo Saaxiibkay ah si aannu uga soo gadno Raashin.

 

 

Xilligaas waxay ahayd wakhtigii ay Mujaahidiintu ka baxeen Saldhig-yadoodii ku yiillay Aagga nogbeed sida:- Xaangey,Ugunje, Ceel-ciiri, Garasley iyo kuwo kaleba ka dib markii Cadawga oo kaashanaya Maraykanka iyo Ciidamo Ereteriya ah uu Duullaan Cir iyo Dhulba ah ku soo qaadday Fadhiisimadaas.

 

 

Mujaahidiintu waxay Go,aansadeen Dagaal Dhuumaalaysi ah, Cadawguna wuxuu ku sheekeeyay in Nimankii Asal raaca ahaa uu Bur-buriyay oo ay ka hadhee wax yar oo ay Ugaadh-sanayaan , taas oo shacabka Niyad Jab iyo Cabsi badan ku Abuurtay, marka ayArkaan Nin Mujaahid ahna waxay isku dayi jireen inay yidhaahdaan na gara mar ha na Gubin waa la idinka Adkaadaye oo Gaalada hannagu laynin, sidaa darteed marka aan Doonno inaan Tuulo ama Shacab si uun ula Macaamillo way nagu adkayd annagoo Hubaysan oo naloo garanayo Mujaahidiin inaan ka dan qunsanno.

 

Markii aannu Tuuladii sii galayno ayaan waxaan Aragnay Gaadhi ay Gaaladu leedahay oo taagan oo aannan meesha ka filaynnin, waardigii Gaalada ayaa nala hadlay oo kaalaya na yidhi Balse aniga iyo saaxiibkay Dheg uma aannan dhigin oo waxaannu iska dhignay waxaan maqlayn oo kale Tuuladii ayaan galnay Maqaaxidii ugu horreysay ee aannu galnay waxaan ugu dhex tagnay 6 Gaal oo ay 4 Bastoolado qabaan 2-na Qoryo haystaan, Shaah ayaannu Dalbannay ka dibna waa nala waraystay, waxaan u sheegnay in aan ka nimid reer Degay meel Xoogey jirta oo sonkor iyo Raashin soo doonnay.

 

 

Gaaladii ayaa naga baxday markaa Dadkii waxaannu waydiinnay waxa ay Qabanayso Bahasha halkan joogta, waa naloo sheegay in Gaadhi halkan kaga Hallaabay oo ay sideen Raashin iyo Rasaas ay u wadeen Ciidamada Duurka lagu sii daayay ee Raadinaya wixii ka hadhay Nimankii Gadhka Fiiq-fiiqnaa. Waxaan kale oo aannu waydiinnay Tirsigooda marka Dadkii qaarba waxbuu noogu sheegay, qaar 40, qaarna 70, qaarna waxayba lahaayeen Nimanka xalay buu Ciidan badan u yimid.

 

 

Sonkortii iyo Raashinkii intaan Gadannay ayaan xaggii Ciidanka u dhaqaajinnay waxaan Go’aansannay inaan ka Shaqaynno sidii aan Nimankaas ula Dagaallami lahayn, Wiilkii ila socday ayaan ku idhi haddii lagu warsado waxaad sheegtaa 7-dii Gaal ee aannu aragnay illayn waxaad hubto sheeg ayaa la yidhiye, waxaana ka codsaday in ku tidhi-kuteentii shacabka uusan waxba ka sheegin oo aniga warka ii daayo.

 

Waannu sii Oradnay oo meel 1:30 Daqiiqo loo soconayo oo Ciidanku joogay ayaannu 30- Daqiiqo ku gaadhnay, waxaan ku idhi Ciidankii Niman-yahow baahibaa inna dilaysa waxaana Tuulada joogta Gaalo Raashin iyo Rasaas wadda oo tiro yar magaciin jirye meesha innaga wadiya aynnu Nimanka jarnee.Waxaa la I waydiiyay inta ay ahaayeen waxaanan u sheegay in aannu aragnay 7 kaliya laakiin Dadku sheegayeen 40 meel Afartan Nin ku qarsoomi kartana iima muuqan.

 

Markiiba Annagoo (2) Unugood ah ayaan soo dhaqaajinnay Weerar ayaan ku qaadnay, Allah fadligii waxaan ku soo hagaagnay iyadoo kala Daadsan oo Qaarna Gaadhigii hoos jiifo qaarna Raadiye diraha Unugta aan la socday oo 9 ahayd ayaa soo horreysay waxaannu Dabka saarray kuwo 6 ahaa oo Gaadhi hoos hadhsanayay, midina kama uusan bixin oo iyaga oo aan Xabbad qudha soo ridin ayaan ka faro xalanay.

 

Kuwii kale ayaa meelaha ka soo bax-baxay iyagana kama aannan leex-leexane Foodda ayaan ku qaadnay Allaahna waa nooga Gar-gaaray. Intii kuwaas dambe aannu la diriraynay ayaan 2 Mujaahid u dirray inay bixiyaan Rasaas badan oo Gaadhiga saarreyd iyo Qoryihii aannu Nimanka ka furannay.

 

Dagaalkaas dhexdiisa waxaa aad noola diriray Nin Sarkaal ah oo aan Filayo in uu Dhakhtar ahaa oo marka Xabbaddu ku dhacdaba inta uu is duubo nagu soo Ordayay inta aan la yaabay ayaan waxaan idhi:- (War Inkaar qabuhu muxuu Naarta kaga qamaamayaa?) waanan dillay marka uu marayo Xabbadii 7aad oo ku dhacda.

 

Ka dib waxaan hareeraynay kuwo 4-ah oo colkii ka hadhay oo Meel Qorrof ah ku gabanayay, Cabbaar haddii ay nala Dagaallamayeen ayaa waxaa soo hadhay mid kaliya oo aannu saari waynnay ayna nala noqotay inuu dhaawac yahay.3- aan ku jiro oo Mujaahidiinta ah ayaa loo diray inay Dhabarka kaga yimaaddaan sidii aannu u soo xulaynnay Fardaan uu ku jiray ayaannu dhabarka Qori ka saarnay isaga oo Shiishaya nin Mujaahidiinta ka mid ah, Qorigiina waannu ka laadnay Illayn waa Fayoobaaye Carar ayuu Cagaha wax ka dayay Anana Xabbad ayaan kudhufannay.

 

Sidaas ayaa Allaah Gaaladii noogaga Gar-gaaray oo waxaan ka dillay (18) Annana waxaa naga Shihiiday (2) Mujaahid, waxaana Gaalada ka Furannay 7-Qori oo[Ak-47]ah, Hal qori oo (M-14)ah, Hal qori oo (Pkm)ah, 3- Bastooladood iyo 4- Raadiye[is-gaadhsiin] 2 yar-yar ah iyo 2- waaweyn, (5000)Birr, 10,000[Rasaas Ak iyo Pkm] iyo Dhar badan.

 

 

Waxaa kale oo aannu ka qaadannay Raashin Buskud u badan wixii aannu ka qaadi karnay, wixii aan u Tabar waynay Illayn Gaadiid ma aannu wadane waxaan ugu yeedhnay Shacabkii oo qaatay Rasaas aannu ku qiyaasnay(20,000) oo isugu jirta Pkm iyo Ak iyo Raashin Badan Gaadhigiina Dab ayaannu Saarnay ee Akhristow Rumayso Waa Rune!!.

 

 

RUMAYSO WAA RUNE!!!.(3)

 

 

Waa wakhti Aroor ah 5/10/96-kii mid ka mid ah Mujaahidiinta oo Shalay 4/10/96-kii Alaab ku soo Illoobay Ceelka Qorra ayaa dib ugu soo kallahay Ceelka si uu Alaabtii u soo baadi goobo.

 

 

Ceelka Qorra wuxuu Degmada Dhanaan u jiraa 25 Km dhinaca Galbeed, wuxuuna is arkay isaga oo dhex taagan ciidan Tigree ah oo Xalaynimo halkaas soo dagay, isla markiibana si tartiib ah ayaa isagoon la arkin u soo baxay una wargeeyay Raggii kale.

 

 

Ceelka waxaan ku ballansanayn Ciidan kale oo Mujaahidiinta ka tifsan oo aannu maalmahaas halkaas ka filaynnay, 5 ka mid ah Mujaahidiinta oo aan anigu [DAYIB HEEBAAN] ka mid ahay ayaa meeshii loo soo diray si ay u soo xaqiijiyaan cidda meesha joogta. Waajibka nala siiyay wuxuu ahaa haddii uu Cadaw noqdo, Dagnaanna aannu ka helno inaan doc ka wareen ku samayno isagana soo baxno, Mujaahidiintuna waxay galeen diyaar garow buuxa, waxaa kale oo naloo diray in cadawga dhumucdiisa aannu ka soo war bixinno.

 

Sidii aannu u soo Gaatamaynnay ayaannu ka soo gudubnay Ilaaladii Ciidanka iyo Safkiisii hore ee soo jiray dhankayaga annaga oo aan ogayn in an soo dhaafna, waxaana soo gaadhanay Taliskoodii dhexda ku jiray, si kadis ah ayaan Rasaas ugu furray oo dhawr meeshii dhignay wixii ka hadhayna waxay u carareen wajigooda.

 

 

Waxaannu doonnay in aan u laabanno dhinicii aannu ka nimid mise waxaan dar-darnay Ciidankii aannu soo dhaafnay oo diyaar garoobay Dhufaysna noogu jira oo raba inay na qab-qabtaan.

 

 

Annagu bannaan ayaan soconnay iyagu geed qab ayay ku jireen, markibana waxay isku dareen Rasaas ay nagu furaan iyo kicid ay nagu soo yaacaan. Bannaankii ayaan is daadinnay oo si adag ugu jawaabnay Rasaastii ka dibna Faraq Geed qab ah oo nagu dhawaa ayaannu xaggiisa isu majiirray, 3 ka mid ah saaxiibbaday ayaa iga horreeya midina Bannaankii ayuu ku hadhay oo waxaannu u qaadannay in uu Shihiiday. Saaxiibbaday Faraqii ayay durbadiiba gooyeen oo markaana wajigoodii oo ay cidla u haysteen ku sii dhaqaaqeen Balse rasaas xoog leh ayaa ka hor timid, Anigana ii diidday inaan gudbo.

 

 

Rasaastii nalagu soo ridayay ayaa waxay gubtay Shaadhkaygii iyo macawis an qabay jidhkaygase waxba ma soo gaadhin, waxaan ku noqday Fadhigii waxaanan arkay Saaxiibkaygii inuu Shihiiday aan u haystay oo xaggayga u soo kacay, waan u gacan haadiyay si uu ii soo haleelo balse markii uu5 tallaabo ii soo jirsaday ayay Xabbadii haleeshay oo uudhacay.

 

 

Raggii kale e 3 da ahaa Rasaastii ka hor timid awgeed ayay xaggayga u soo rogmadeen waxayna u kala jeedsadeen 3 jiho oo rasaasi kaga imaanaysay Dagaal aad u khadhaadh ayayna ku jiraan.Anigu waxaan markaa doonay in saaxiibkaygii Shihiiday[MAX’ED HAYBE] aan ka soo qaado qorigii balse markii aan dul imid ee ku foorarsaday ayaa waxaa ilagadday rasaas kulul oo la I qabadsiiyay, waxaana iga duulaya Qorigii aan sitay.

 

Gaalkii isoo rasaaseeyay iyo aniga ayaa qorigii u soo tar-tannay isagoo qorigiisuna gacanta ku sita balse waan ugu hor maray markaan gacanta ku dhigay ayaa waa wax Allaah iigu gar-gaarayee inta uu hilmaamay inuu isagu Qori sitay ayuu dhulka isku lagday, aniguna uma sugine Feedhaha ayaan kaga dhuftay, Saaxiibaday intaan hawshaas ku Mashquulsanaa ayay Cadawgii hor fadhiyay Rasaas iskaga banneeyeen, balse inatay dib soo fiiriyeen ayay isha ku dhufteen markii Rasaastu Iga go'day.

 

 

Markaas ayay iyaga oo is caraabinaya dib iigu soo laabteen, Balse aniga oo bad qaba ayaan ka hor imid oo 4-tayadii is hellay iyadoo dhinac walba nalaga jiro, waxaanan go’aansannay Rasaasta Khasnad- khasnadda ah ee noogu hadhay Qoryaha aannu jiho uun ku bannaysanno.

 

 

Waxaan isku darray Rasaas xoog leh oo aannu furray iyo Takbiir(ALLAAHU-AKBAR, ALLAAHU-AKBAR) Allaah fadligiina annaga oo bad qabna[marka laga reebo shihiidkii] ayaan ka baxnay Dagaal socday ugu yaraan 45: Daqiiqo Annaga oo aan sidan Dhar Cawradayada Astura.

 

 

Gaaladii waxay dadkii ugu shekaysay dadkii in cidda ay la dagaallamayeen aynan ahayn insaan caadi ah Balse ay ahaayeen dad yaab leh oo Xabbaddu garab marayso ee Akhristow Rumayso waa Rune.

 

RUMAYSO WAA RUNE(4)

 

 

Waxaanu ahayn koox ka mid ah ciidanka Mujaahidinta S/galbeed oo joogtay Xagal oo ah laas ku yaala laagta Milmileed, tirsiga yaguna waxuu dhamaa ilaa 26 nin, waxaa markaa burburay Hudno u dhaxaysay Mujaahidiinta S/galbeed iyo Tigreega waxaana si kulul u biloowday dagaaladii.

 

 

Gaaladu waxay biloowday dhaqdhaqaaq xoog leh waxaana nagu soo baxay ciidan afar madax ah oo tirsigiisu gaadhayo 420 Askari oo ay ujeedadoodu tahay inay naga faraxashaan oon dib naloo arag ama aan gobolka ka baxno.

Dhowr maalmood ayaan ku jiray raad gadasho laakiin jihadaan u baxnaba waxaa nagaga yimid ciidan, Ninkii mas’uulka naga ahaa Allaah ha naxariistee C/raxmaan Xasan Wacdi ayaanu u soo jeedinay inaanu shan shan u kala baxno wakhtina ballano, balse waa naga diiday asagoo u arkayay in kala ******o iyo cadowga oo gacanta loo galo ay keeni karto.

 

 

Dadka waxa u wada muuqtay in dagaal lama huraan yahay, sidaa darteed maalin kahor dagaalka oo ku beegnayd 5/11/1995kii ayaanu iska reebnay 4 nin oo aan labo kamid ah u dhiibnay raadiyihii labana gaadiidkii si aanu ciidan fudud u noqono.

 

 

Xaaladuna aad ayay noogu adag tahay oo afar cidmaal waxaanu cunay ma jiro waxaana noo dheer socod raad gadasho ah.Subaxdii dagaalka oo ahayd 6/11/1995kii habeeenimadkeedii ayaan anigu (Daahir Macalin Caraale) aad u walbahaaray, waxaan tukaday (salaatu-layl) waxaanan Allah ka baryay Shahaado ama wax indhahaygu ku farxaan, waxaan habeenkaa ku riyooday wiil iigu dhashay meel ka fog dhulka S/galbeed oo aan meeshii ugu tagnay Aniga & labo mujaahid oo kale, Riyadaas waxay ila noqotay qarow waayo? waxaan u heensays nahay dagaal barri la sugayo marka waxaan Allah ka baryay Shahaado.

 

 

Waagii ayaa noo baryay salaadii subaxna waanu tukanay, anigoo akhrisanaya adkaartii subax ayaa loo diray labo wiil oo roondo ah jihadii aanu shalay kasoo soconay oo la filayay in col naga raad gurayay, waxyar kadib ayay arkeen col lixaad leh oo soo socda, warbixintii ayayna noo keeneen.

 

 

Taliyihii ciidanku waxuu noo qaybiyay saddex qaybood 2 min 7 ah & mid 8 ah. Meeshii aanu daganayn 2 dii isla ekayd ayuu aagag difaac kala galiyay, anagoo 8 ahayna inaan dhabar jabin ilaalino ayuu noo diray, markaa waxii ka danbeeyay saaxiibadayo shanqadha rasaasta mooyee waxba iskama aanan ogayn. 8-dayadii oo dhisan dhismaha unugga ciidan oo aan anigu sido (PKM) ayaa waxay rasaastii ka bilaabatay dhanka labadii 7 aad, oo doogaad bay ahayde Qiiq, Daryaan iyo Caydh mooyee waxkale ayaa la arki waayay.

 

 

Hadday 30 daqiiqo wax kayar socotay waxaa dhankaanagii ka soo baxay ciidan badan oo ah kuwii naloo diray ayagoo u socda si warmooganimo ah iyo sidii rag guushu gacanta ugu jirto oo is huba.

 

 

Goor ay nagu soo dhawaadeen ayaanu ooda kaga qaadnay, Anigu shiishka ayaan aad u aqiinay oo xabadaydu way gafid yarayd waxaanan arkay wax daadsan, wax sii daba gadoomaya iyo wax sii cararaya uun , Qoriga 500 oo xabbo ayaan ku sitaa markaana waxaan riday 200 oo xabbo, labo nin ayaa naga dhaawacantay labana iyagii ayay bixiyeen waxaanan ku soo hadhnay 4 kaliya.

 

 

Gaaladii dib ayay nooga baqatay, Taliyihii unugtaa Lamaange 10 xabo ayaa qoriga ugu jirta, RBG7 kana labo xabo kaliya ayaa u soo hadhay, ninka kalana hal khasnad ayaa u soo hadhay, anigana qorigaygii xabad ayaa isku goysay oo markaasaanu jiid jiidnay waanse kari waynay.

 

 

Intaanu isku jeednay ayay gaaladii isa soo caraabisay oointay meeshayadii garab martay doontay inay saaxiibadayo dhabar jabiso, waanu garab galay waxaana u tartanay meel buur ah, Allah fadligii waan ooga hormaray maxaanse haynaa oon kula dagaalanaa? !!

 

 

Buurtii ayaan 4-yadii isku qaybinay oo midba meel istaagay intuba inta ka dhaqso lehe waxay nasoo gashay ayadoo siqaysa, Aniga iyo ninkii saaxiibaday iigu dhawaa ayaa waxaa na dhex martay tashi gaaban oo ah inaan qoriga PKM ah aan bixino maadaama uusan dhacaynin si aynan gaaladu u qaadan.

 

 

Asagu aniga ayuu ilahaa bixi, aniguna asaga ayaan lahaa, Waxaabase naga soogaadhay gaaladii oo waxayba nagu noqotay (Alamtara Libaaxii soo dhaaf).

 

 

Intaan Bisinka qabsaday oon Allaahu akbar idhi ayaa xagii gaalada u foorariyay Mise wuu daldalmayaa !! aad ayaan ugu farxay markaas ayaan la istaagay oo si fiican u hurgufay mise gaaladii waa agalaxa oo aad ayay u daadatay waana sifaysmay jawigii nagu cakiraa.

 

 

Mark uu saaxiibkay maqlay qorigaygii oo dhacaya ayuu asaguna dhexdhigay hal xabo oo RPG7 ah, meeshaas ayay gaalo ku luntay.

73 xabbo markaan ka riday galana sidaan sheegnay noqotay ayuu qorigii ku soo noqday xaaldiisii Hore (Hallowgii).

 

 

Waxaanu kabaxnay dagaalkii iyadoo dhankii kalana ay ka joogsatay xabbadii kadib dagaal kulul oo socday 6 saac waxaan iskugu nimid meel aan bar kulan ku lahayn wakhti casar ah.

 

 

Waxyaabaha iigu yaabka badnaa waxay ahaayeen:- Goobtii aan daganayn ee dagaalku ka dhacay waxii aan kaga tagnay ee qalab ahaa oo uu ku jiro silis anigu aroortii aan culays dartii iskaga reebay, 4 cisho kadib waxaan u nimid iyagoo sidoodii ah.

 

 

Waxaa kale dagalkaas oon cidna nagaga Shahiidin oo gaaladii ay qiratay inay kaga dhinteen 65 askari iyo 90 dhaawacantay. Waxaa kale oo yaab lahyd waxa qabsaday dadka shacabka ah oo sida caadada ah soo hubiya meelaha dagaalku ka dhaco, Oday la yidhaahdo Daahir fanax waxuu ii shegay inuu 4 jeer isku dayay inuu galo goobtaas balse mar walba uu maqlayay shanqadh qori la koon garaynayo ka dibna uu soo cararay.

 

 

Xoolihii iyo ciyaalkii ayaa diiday inay u dareeraan aagii dagaalku ka dhacay oo ka soo didaya sida odaygaasu ii sheegay, waxayna markii ugu horeeysay dagaalka dabadii ee ay na arkeen reeruhu yidhaahdeen Owliyaad tihiine noo fasaxa in xooluhu noo daaqaan dhulkaas dagaalku ka dhacay.

 

 

Waxay Odaygii iyo dadkii kale ee goobta ka ag dhawaa na waydiiyeen (Kuwii buurta saarnaa ee qur’aanka makrafoonka ku akhrinayay ma waxay ahaayeen kuwo aan dagaalka kujirin) Laakiin anagu waxba ma aanan maqlaynin ayaan ugu jawaabnay wayse naga rumaysan waayeen !!

Gaaladu dadka waxay ugu sheekaysay dagaalku dhexda yada ayuu ahaa oo is laynay.

 

 

Akhristow riyadii Daahir Macalin Caraale ee habeenkaas waxay rumawday labo sano ka dib 15/9/1997kii oo wiil ugu dhashay meel ka durugsan S/galbeed oo ay ugu tageen asagaya iyo labo Mujaahid oo kale ee Rumayso waa Rune !!

 

RUMAYSO WAA RUNE !! (5)

 

 

Waxaan ka imid Godey oo aan si khatar leh kaga soo baxay, waxaanan imid Dhanaan. Waxaan helay dhowr Mujaahid oo loo soo diray inay dilaan nin ciidanka cadowga ee dhanaan madax u ah oo shacabka aad u dhibay. Waxay ila noqotay inaan howgalkan ka qayb qaato saaxiibadayna ima ayan diidin.

 

 

2 Maalmood markii aannu sugaynay ayaa gaalkii maalintii 3aad soo dhaadhacay iyadoo ay la socdaan ku xigeenkiisii, nin jaajuus ah oo dadka iyo isaga u kala turjubaana iyo 2 askari, laba askari oo kalana ay xoogaa ka yara danbeeyaan.

 

 

Ninku makhaayad la sahamiyay ayuu tagaa oo dadka kula hadlaa kana hanjabaa. Annagu markaa waan is qaybinay, labadii nin ee Amiirka iyo ku xigeenka naga ahaa waxay dhaheen annaga ayaa nala soo amray oo ninka gacantayada ku dilayna, markaana qoryahoodii ayay kusii xasaysteen meel u dhow Makhaayaddii, Aniga iyo ninkii kalana waxaa naloo diray inaan difaac ka galnno guryaha u xiga xerada ciidanka si aan uga hortagno gurmadka, halkaa ayaan anaguna qoryahii ku sii qarsannay.

 

 

Afartii gaal ee wada socotay waxay tageen makhaayaddii labadii kalana waxay soo galeen aaggii aan joognay. Aniga iyo saaxiibkay haddii aan cabbaar shanqadh xabbadeed sugaynay oo aanu waynay, waxay nala noqotay in saaxiibadayo fuloobeen, sidaa darteed waxaanu is nidhi soo hubiya saaxiibadiin, balse waannu waynay, anagoo yaabban ayaa wiil yar na yidhi farriintan ayay saaxiibadiin ii kiin soo fareen oo yidhi:-(Gaaladu intii aynu ku talo gashanayn waa ka badan tahay ee arrinta barri ayaan dib ugu dhignay ee la socda).

 

 

Warkaas waa nala khadhaadhaaday labadayadii waxaan go’aansanay dagaal, haddii aan saaxiibadayo raadin lahaynna waxaan aragnay nimankii oo soo baxay oo raba dib inay xerada ugu noqdaan markaas ayaan aniguna qorshaystay afartii, Saaxiibkayna u diray labadii kale. - Annagoo dag-dagayna oo ka yaabban in cadowgu naga baxsado ayaan doonanay qoryahii, oon la soo laxaadsannay, ciddii dhawaaqda oo iska jira dhahdana waxaa noo go’aan ah inaan kor dhigno xabbad oo aan cabsiinno.

 

 

Sakad dheer oo wareeg igu fog ah ayay ahayd inaan la wareego si aan nimanka aan rabay u gaadho, balse waxaan arkay guri labo af leh oo Makhaayad ah lagana dhex dusi karo, qorigana go’ ayaa ka koreeya oo waa ii asturanyahay. Gurigii anigoo dagdagaya ayaan soo galay waxaan isha ku dhuftay 4 Askari oo labisan, hubaysanna oo shaah ku dhex cabaysa.

 

 

Soo galitaankaygii ugu horreeyayba waxaan daadiyay oo lugtaydii ku dhacday shaahii uu cabayay askari ka mid ah nimanka. - Intaan naxay oon dib u baxay ayaan qorigii soo rogtay ayagiina sidaydii oo kale way naxeen waxayna u qaateen nin reer baadiye ah oo si kadis iyo warqab la’aana meesha ku soo galay oo haddana qorigiisii la baxsanaya. Waan ku soo noqday oo aan soo kala dhex istaagay ayagoo isku diyaarinaya inay iga daba yimaaddaan.

 

 

Waxaan go’aansaday inaan labo dilo labada kalana aniga ay i dilaan. Mid ayaa igu soo booday oo wajiga, Indhaha iyo sankaba I qabtay oo sacabka iga saaray, balse Allah ma guulaynin ee waan ku kala jeexay mid kale ayaa soo booday oo aan asagana kor dhigay labadii soo hadhay mid miis ayuu hoosta ka galay midna gabadhii makhaayadda lahayd ayuu isku duubay, markii aan doonay inaan dilana gabdhihii ayaa yidhi walaal hana laynin, Anigu ismaba ogi qoriga laba khasnadood ayaan ku ogaa midi dhexda ayay deg-deggii suuqa igaga dhacday middii kalana labadii gaal ayaan ku dhameeyay.

 

 

Markaan labadii dilay ayan ka baxay gurigii labadii gaal ee hadhayna midi miiskii ayuu iskaga hoos jiray midina intuu irridda ka baxay ayuu i soo xabbadeeyay markii aan is idhi ku ridna waxaan arkay in aanan xabado haysan oo waan is tuuray oon galgashay asagana xagga xeradiisii ayuu u cararay.

 

 

Arrintii naga fashilantay oo raggii aan rabnay waxay ku carareen xeradii, Saaxiibkayna markii uu rasaastaydii maqlay ayuu labadii askari ee lagu aadiyay ka takhalusay oo intuu qori ka qaatay iska baxay.

 

 

Anigu waxaan dhex raacay dadkii baqanayay qorigiina meel dooxo ah oo qoyan ayaan ku xaseeyay kadib waxaan arkay haweenay leh waryaa Islaam ah oo qorigan iga qaada. Qorigu wuxuu ahaa mid nin aanan ogayn oo magaalada dhinac kaga jira uu dhigtay guriga haweenayda ayaduna intay baqday ayay iska fogaynaysay.

 

Waan ka qaaday waxuuna sitay 6 khasnadood mar haddii aan xabado helay anigoo labadaydii qori sita ayaan dib ugu soo noqday magaaladii waxaana imid ayadoo afartii bakhti ay niman boolis ahi sii qaadeen oo xeradii gaalada geeyeen waxayna ila noqotay inaan soo dhaadhacooda sugo oo dhinicii xeradoodu jirtay ayaan dhufays ka galay, wax soo dhaadhacase waan waayay.

 

 

Goor danbe oo ay makhrib agtiis tahay ayaa midi ka soo baxay oo markuu iridda marayo ayaan ku dhajiyay waxaana maalintii danbe la ii sheegay inuu dhintay. Habeenkii oo dhan ayaan sugayay bal wax soo dhaqaaqa aroortii markay tahay ayaa la igu yidhi aan kuu ducaynee ama magaalada aan ka baxno oon caruurta gacmaha qabsano ama iska tag gaalo kaa cabsataye.

 

 

Gaaladii waxay odoyaashii u tagay ku tidhi magaalada ciidan ayaa haysta oo u soo dhaadhici maynee nimanka la hadla oo magaalada ka saara. Goor danbe oo ay 3 saac oo subaxnimo tahay ayaa inta Beer si fiican laygu qureeciyay ayaan iskaga baxay magaada.

 

 

Hadaba Akhristoow taasi waxay ahayd Xaqiiqo uu sameeyay Mujaahid Maxmuud Xirsi Duulane ee Rumayso waa rune.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha Ugargaaro raggaan. I once read an interesting somali magazine by the name "Rumeyso waa Runnee" coming up fascinating true stories about these mujahideens. I wanted to subscribe it but no success and these stories must be those published those days. If anyone knows this mag and where I can find let me know.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^How do you know him?

 

Is the story true or a fiction?

 

Teedakale, maxaad ku qosli....ma wax aanaan ogeyn baad ogtahay? Mise waxaas qosolba maahe waad yarehe ilko-waaweyntahay JB-ow? Nin ilka waaweyn haduu dhimana inuu qoslibaa lamoodi ileyne

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haa waan yara ilko waaweynahay ,,,,,

 

As far as i know the story is true ,,, i've heard many similar stories that are hard to believe but when you know and trust the person then you should accept it as long as you are not there. I trust the guy and that is why.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

I see a HBO mini-series.

 

Its hard for me to imagine living in conditions like that, where your oppressed in your own country.

 

These are great stories and the men and woman that are fighting for the liberation of their land and the dignity of their people not only deserve our praise but also our support.

 

It takes allot of courage to do what these men and woman do. I was deeply touched by these stories.

 

May they be succesful in liberating our land.

 

ONLF!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this