Sign in to follow this  
Siciid1986

Cawayskii Hargeysa Iyo Qoob-ka-Ciyaarkii Fanaanka Kaynaan

Recommended Posts

Cawayskii Hargeysa Iyo Qoob-ka-Ciyaarkii Fanaanka Kaynaan

 

Hargeysa(Golis)-Fanaanka weyn ee caalamiga ah ee

kaynaan oo haatan ku sugan magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa xalay loo qabtey caways kulmiyey ubaxa magaalada oo ahaa dhalinyaro rag iyo dumarba leh, kaas oo ka dhacay Hutel Ambassador ee Hargeysa oo uu fanaanka laftiisu degan yahay.

 

 

Cawayskan oo kulmiyey dhalinyaro buuxisay, mugga hoolkii lagu qabtey ee hutelka waxa kala qayb galay oo ereyo kooban ka jeediyey guddoomiyaha dallada saxaafadda Somaliland……USJ C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo fanaanka ku tilmaamay Obaamaha caalamka, waxaana ereyadiisii ka mid ahaa “Aniga oo ku hadlaya magaca saxaafadda Somaliland waxa aan adiga iyo kooxdaadaba ku soo dhawaynaya Hargeysa oo aan ku leeyahay waa magaalo u qalanta halka aad adigu timid iyo xarunta Somaliland ee ay tahay labadaba, waxaanan ku leeyahay waa magaaladaadii ee ku soo dhawaw”.

 

 

Guddoomiyuhu wuxuu intaa ku daray “dadka iyo shacbiga reer Somaliland waxa ay ku faraxsan yihiin in aad tahay nin Soomaaliyeed oo maqaamkaasi gaadhay, adigana waxa ay kaa rajaynayaan in aad sida ay kuu jecel yihiin u jeceshahay iyaga oo kaaga mahadnaqaya in aad taas muujisay oo aad caawa Hargeysa ku sugan tahay”.

 

 

Cawayskan oo kulmiyey dhalinyaro Lab iyo Dheddigba leh oo si qurux badan ugu soo diyaargaroobey labiskooda iyo farxada ka muuqata wajiyadoodana laga garan karo sida ay raali uga ahaayeen ayaa wakhti wacan ku qaatey Heeso iyo Muusig ay shucuurtooda ku muujiyeen soo dhawaynta fanaankan.

 

 

Kaynaan oo ay asal ahaan dhalashadiisu Soomaali tahay ayaa waxaa uu yahay fanaan weyn oo caalami ah wakhtigana ku guulaystey in heesta uu qoray loo qaato heesta lagu soo bandhigi doono fagaaraha weyn ee caalamiga ah ee furitaanka koobka kubbada cagta adduunka (World Cup) ee sanadka 2010 oo lagu qaban doono banka koonfur afika, waxaanu yahay fanaankii ugu horeeyey ee ka soo jeeda wadamada dunida saddexaad ee maqaamka noocaas ah ku guulaysta. Cawayskan oo xalay fiidkii ka bilaabmay hotel Ambassador ee Hargeysa ayaa dhamaadey xalay saqdii dhexe oo ku beegnayd 11:44 miridh, waxaanu weriyihii Wargeyska Saxansaxo ee goobtaasi joogey ku tilmaamey kii ugu xiisaha badnaa ee uu in muddo ah la kulmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this