Sign in to follow this  
Maf Kees

Apologies To Somalia

Recommended Posts

Maf Kees   

I was browsing the website Qarxis and I stumbled upon a song made by a group calling themselves Cedar Army. The song was called: I'm sorry Somalia. It started out good and brotherly till the division and all that bullshidh came into play at the second half and ruined the whole 'I love Somalia' mood. So I decided to write my own poem as a real Farah under my alias Farah Blue, because I see fake cats trying to come across as poetic warriors.

 

I'm sorry my beloved Somalia, your children are tearing you apart.

Its not your fault, don't worry. Inshallah we will have a new start.

I promise you no one will ever belittle you nor will we never ever wrongly second fiddle you.

We will come back with money and a degree to set Somalia apart, you know beloved Somalia your children know how to play this shit smart.

I assure you Somalia, your beauty and efforts are not wasted on a fool. The real patriots don't care about politics or which stpuid cat aspires to fukcing rule.

 

It is important for you and me to know that you are cherished and loved. Its a shame and disgrace that we sit back and watch as you're getting raped by the droves.

Don't take our silence for weakness, you of all know that the Somali spirit cannot be soft. Inshallah we will all help the poor and rain will pour as you witness the arrival of the white dove.

 

We will avenge the mistreatment done by the moryan thugs and the foreigners. You are a Muslim country, our lord Allahu Subhana Wa Tacala will defend you from Satan and all his demon barbaric warriors. 15 years of misery doesn't make no mothafukcing sense, this qabiil crap and jealousy has to find the door so that it some day ends. And as Allah is our witness, there will be no more truth these demons will be able to bend. I wish this message reaches the people to whom it was meant to be send.

 

Our mission is to protect you, respect you and honour you like you deserve us to.

Somalia, you are my home on this earth and I will never ever forget it boo.

Just know my love is pure, Farah's love is only and solely directed to you.

This was Farah Blue, reppin all Maliz and I would die for them as a real Somali warrior would do. Peace and milk to my people and extra prayers to comfort you. I'm out now, but I will always cherish the Bright White Star on the Sky Blue.

 

SOURCE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^Neat.

 

I hope that this monkey Daanyeer helped numero uno first before he promises anything to the father land. Ya hear me Daanyeer :D

 

Nice attitude though...Somalia is closer than close to this humble nomad's heart buddy. Secure, safe, developed, peaceful, prosperous, and just Somalia with the right leadership is what we pray for and insha'Allah we'll have that home very soon. As they say..one of these days, one of these days sxb.

 

Keep ya head up and hang in there and hold onto every bit of hope Daanyeer...help is on the way.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maf Kees   

Hold on I will, as hard as it is. My love for Somalia is unconditional. Inshallah we will see a new Somalia Baashi. I'm sorry for the f-words, but I wrote it in anger.

 

Biiy Ees: Trust me. Danyer is always looking out for number one first. Inshallah returning with money, degrees and other qualifications won't be an empty promise. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

About me

 

I'm Farah Blue

From
MoccaTissue, KissMyOh, BeauSauceO, MollyLand, And the rest of Somalia's Finest, Somalia

 

Farah Blue is a fresh qaxooti

coming here as a failed

militiamember. He was too nice

and caring. How could he rob and kill

his own people? Struggling with

the language but he manages to

keep his head above water. Still

trying to find the right Halimo. Still

eats Baasto with his mouth open.

Still slurps Shaah like he's about to die.

Still same old G.

17116.gif17116.gif17116.gif

 

Daanyeer, abaaba kaas adiga miyaa? Former militiaman [aka moor.yaan]. Sheeko miyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maf Kees   

No I really was a former militiaman turned supermodel in the West. Of course waa iska sheeko fanfani. But this character (a parody on The Moryan) is the concept of my weblog.

 

I'll tell you more in private miskiin.

 

[EDIT: Hell I'll just say it here.]

 

Farah Blue's story (fictional of course but based on actual events) will be on Pace magazine for everyone to read Inshallah. If its a success it will be permanent on Pace. A lot of comedy, but especially reconciliation. We Somalis need to confront our history if we want to move on and find peace within ourselves before we seek peace for Somalia. Hopefully I can make more Somali individuals hate less after this. That would be a big accomplishment.

 

I'll even consider making Farah Blue T-Shirts if this thing really hits off. But for now its only on my weblog Aduunka ©.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haye daanyeerka, meeqo isbaaro ayaa soo dhigan jirtay?

 

Waxaanba soo xasuustay qiso. Waxee ahayd '92, oo degmada Madiino, dhanka Siliga Ameerikaanka aan usoo guurnay, oo xaafadeena Bermuuda markee noqotay.

 

Darbigii wareegsanaa Siliga Ameeriikaan ayaa dhex laga jibiye si loogu luggeeyo u fudadaato oo dhanka Isbitaal Madiina marka laga imaado lasoo mari jiray, hadii kale wareeg dheer waaye. Marka kuwaa marmar isbaaro waxee dhigan jireen darbiga gadaashiid, ku ganbanaayo isla darbiga. Marka dadka soo socdo, oo dhexda soo maraayo ma arkaan. Qofka markuu darbiga soo dhaafo ayee lee yihiin soo leexo, meeshaas ku baaranayaan.

 

Anaga oo gurigeyna ganjeelkiisa hortaagan caadi aan fiirsaneynay filinka meesha ka socday.

 

Sidee fiirsashada noogu socotay, walaalkeena oo barxada Siliga soo socdo aan aragnay, oo dhanka isbaarada usoo socdo. Isla markiiba walwal aa na galay. Walwalka waxaaba nagu bilaabay waa ognahay inuu lakad lakad dhalay ahaa, oo maquusto ku darsaday. Anagoo wax aan sameyno la' ayuu meeshii isbaarada darbiga usoo dhawaaday. Ileen dadkii ka horeeye oo dhan hal mar istaagaayo cabsi daradeed, hadana gees gees u leexanaayo uu arkay, oo qof dirito ama toos u socdo jirin. Koleey shaki aa galay.

 

Markuu soo dhawaaday hoosguntidiis intuu kor u qabsaday fakatax kamaa fatuuro ka daaye, oo xuruf roor kusoo dhaafay. Ooh, moor.yaantii isbaarada u taalay oo ahaa labo labada gees darbiga kala taagnaa oo dadkee heysteen ku mashquulsanaa waxee sameyaan ee garan waayeen. Orodkii uu guriga kusoo gaaray.

 

Anagii mar ma qosolnaa, marna argagax oo inee xabad kasoo daba tuuraayaan aan u maleynay.

 

Mar walba markaan xasuusto...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^I will remember that :D ahem...fulay dheh.

 

Danyer,

 

Try Somali version of that poem. Now I think I hear ya bragging of being the real deal - G. Prove it friend and no buraanbur please :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maf Kees   

MMAqiyaarow.

 

:D Sheekadaan waan xasuusan doonaa ehehe. Anigu isbaarooyin badan baan ka shaqeyn jirey, rag badan baana isla shaqeyn jirney. Dadweynahana weey ii jeclaayeen, oo hadba darawal marka la qasqashaadi jirey baan miskiinkaas iska badbaadi jirey intii awoodeyda igu jirtey. :D

 

Baashi.

 

Ninyahow meeshaad igu wadid shaki baan ka qabaa. :D War Somali poetry waa above my level. Mar aan isku dayey, walee faraheyga baan ku gubey. Hadana gabdho baa meeshaan inoo jooga, arintaan waxay noqotay dangerous yaah. Laakiin I'm a G - Geesi, marka maxaa iga galey hadaan iska tijaabo. Hayee waa balan inaan dhowaan gabay niin la imaan doono. Laakiin, wax aala wixii khasaaro ku dhacda magaceyga qaaliqa ah Daanyeer adaa ka mas'uul ah! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Trust me Monkey you can do it buddy. Sip Caano Geel twice and shout your lungs off with the signature melody Hoyaalayeey, hoyaaleey and before u know it u are in biz :D

 

Now try it Daanyeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daanyeer iyo Baashi, dhacdooyin la yaab aa dalka ka dhacay runtii. Siduu Daanyeer sheegay waa in la aruuriyaa, buugaag laga buuxiyaa. Jiilka soo koraayo waligiis iloowin.

 

Dhacdo kale ayaa dhacday, oo uu ku jiro lakadkii ila dhashay. Waa isla sanadkii 1992. Xaafada markaas loo bixiye Bermuuda [qeybo weyn kamid ah Hodan, H/wadaag iyo Waaberi] oo reer aakhiraad ah, oo laga wada qaxay ka ahayn aabaheey iyo dhalinyaradii la joogtay, iyo walaasheey oo markii dambe looga cabsaday nafsadeed laga saaray markee bartay wax karis yaryar kuwii aabaheey la joogay.

 

Marka xaafadaas markee Cali iyo Caydiid is lagdaayeen, habeenkii waxaa u talin jiray kuwa Cali Mahdi taageersan oo u badnaa Ciyaal Siigaale, awalba iyagoo hub qaadan iska dhib badnaa. Wixii aroortii ka bilowdana waxaa u talin jiray qeybta Caydiid, oo u badnaa kuwa ka imaaday gobollada dhexe.

 

Saas markee tahay oo aabana diiday in uu ka baxo gurigiis, ayaa waxaa ka cabsi qabnay ciyaal gobol kuwaas maadaama ee kaseynin isaga inay balaayo ka dhigaan meesha. Marka maalintii intee qoraxda jirto mid iyaga kasoo jeedo ee isku jufo yihiin ayaa guriga la dhigi jiray maalintii intee qoraxda jirto, habeenkiina ka tagi jiray.

 

Ciyaal Siigaale odeyga wee garanayeen, oo waaberigii intee kasii bixin xaafada -- oo kuwii kalaa soo socdee maadaama iyaga maalin xukumo -- inteena xaafada ka bixin ayee canjeerada ee mar mar karsadaan la cuni jireen [koleey waa iska baad], iyagoo ku kaftami jiray, "Odeygaan wuxuu gurigaan ugu jiro, ugu bixi la yahay saqafyada jileyga ka hooseeye ayaa wax ugu duugan, si kale ma'aha."

 

Maalin maalmaha kamid ah Ciyaal Siigaale [mar mar waxee gurmad ka heli jireen Kaaraan iyo Madiino] ayaa qabsaday xaafada, markaas ka bacdina guriga usoo dhaceen. Handadaad iyo balaayo ayee isla markiiba bilaabeen, oo duqii ugu hanjabeen haduu sheegin wax uu ku haayo oo maal meesha ah inay wadan doonaan dhalinyarada la joogto ka bacdina dili doonaan.

 

Wax meesha ma yaalo aa loogu sheegay oo runta ah, hadee rumeysanina ha baartaan guriga. Run dhab ayee aaminsanayeen in uu guriga wax yaalo, oo si kale ugu jirin duqa. [Kaligood ma qabin fikirkaan, kuwa kale maalintii xukumo iyanaga fikir saas camal ayaa ka dhaacdhacsanayd.]

 

Ugu dambeyntii walaalkeey iyo mid kale la joogay markaas ayee wateen, iyagoo ugu hanjabaayo aabo in uu mar dambe arag saari doonin. Kaaga sii daranee, asagii aa ugu jawaabay, "Arag iska dhaafee, kabtooda ha isoo celin."

 

Dhacdadaan markii dambe iyaga ka sheekeen doono, markuu ereyadaas dhahay wee la yaabeen. Odeygana xikmad kale uu duugnayd, oo wuu yaqaanay sida loola dhaqmo maryooleey.

 

Intee kaxeysteen, ayee meel Suuq Miijiska u dhaw geeyeen. Isla markiiba waxaa gartay kuwii Ciyaal Siigaalaha dhabta ahaa. Maxaa dadkaan usoo qaxeyseen iyo muran ka bacdi, waala fasaxay.

 

Fasax waa tahee, yaa bixi karo, oo xabada waa socotaa, inkastoo iska qaboobneed, sidaas daraadeed kuwa "sniper" ayaa jiro wax alaale wixii naf ee dhankooda kasoo horjeedo socdo shiisho.

 

Iyagii ee la joogeen. Naga taga markii lagu dhahay, kii lakadka ahaa aa dhahay meel ma u socona, intee aadeynaa, xabadaa? Iyagii qosol. Markii dambe kii kale lala qafaashay oo cabsi weyn heysay ayaa dhahay naga wad kuwaan intee is badalin.

 

Intee baxeen ayee guri kale ku sugeen intuu gabalka ka dhacaayo. Habeenkii ayee darbiga kasoo boodeen. Aabaheey inkastoo fiidkii iyo maalintiiba Qur'aan aqrin jiray, maalintaas Qur'aankiis waa dheere oo wuu duceysanaaye. Inkastoo uu quursan, wax walba waa ka suurodaa moor.yaan. Wuxuu aad iskula xanaaqsanaa nafsadiis ereyadii uu ku dhahay oo "kabtoodana ha isoo celin" ahaa.

 

Duqa still lives there, with his house still intact. Dadka qaarkood weydiiba sababta gurigiis loo fiiqan maadaama xataa jileey yahay oo baraako ahayn [jileeyga ayaa laga jeclaa fujisada baraakada]. Sidee ahayd '92 xaafadaas, geesi geesi dhalay iyo mid naftiisa wada nacay ayaa ku hari karay bas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Widaay waa adduun iyo xaalkii. Al-xamduliLaah waan ka badbaaday moor.yaanta iyo rabshadooda. Laakiin maxay kuuga taala Kenya aa kuwa ka daran oo Giiryaamo, Kikuyu, iyo wax wada sanbuuqa weyn oo lakala garan waayay ay nagu furteen.

 

Habeen (Nov. 1991) waxaan xasuustaa uu qolkeena oo aan u bixinay jiif-cabee uu noo galay askari. Dhalinyarada kii soo galaba fariisa aa la dhahaa, ciyaalka xaafada dhan wax booqasho u socda iyo wax baashaal iyo sheeko u socda meesha aa la is wada keenay.

 

Tii xumeedaa ka dhacday sxb. Swahili ma la kasaayo, English alaabtii book for Africa aa la bowsadaa, lacag mala heesto, kaaga daran telephone bug ah oo bajaqdoo Keenyaan-Soomaali ay noo soo xirtay aa meesha ku jiro.

 

Sidii xoolo oo kale aa nala dareersaday. Anniga waxa la iga helay document American ah. Sxbkaa anniguuba igu dhagay oo uu dhahay $300 waxaan ahaynba ma cuno. War maa heenaynaa hee waa la i baayacay sidii xoolihii oo gorgortan aa korkeyga lagu galay.

 

Doobo annigoo kabahii (teepo kaaba ah) la igala soo baxay oo 250 KSh. la iga soo qaatay oo cankana la iga soo jabiyay aa soo laabtay. Celcelis 2800 KSh uu naga qaatay.

 

Habeen kale labo gabdhood oo motel kale oo naga soo horjeeda deganaa oo Sweden u socday oo hade kala xiran uu sxbkaa (btw Somali-Kenyan) uu soo dhigtay. Waxaan maqalnay hadii gabdhaha la kaxeeyo saf aa laga galaa. About lix iyo tobon ciyaalka waaweeyn oo hadde rageedii ah aa sadexdii askari qoryahiina ka qaatay iyagiina xoogaa u daliigay.

 

Any way jabka waa la soo wada maray ee calaa caleyk xaar weeso ma galo-dii la sheegi jiray aan issaga aamusnay widaay.

 

I feel for ur old man wallahi...washeemsi washeemsi dhalay oo moor.yaan ah oo rag iyo rabbi midna aan aqoon baa helay. Caku waayaha marka ay kaa hiiliyaan!

 

Waa iska xaal adduun saaxiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi, Otaanga waa lagu soo jabay dheh. Aniga waligeey ma tagin, oo Neyroobi dhanka Gaarisa lee ka aaday.

 

Dhuudhigii ka waran? Cijiyo baxay?

 

Laakiin abkoo qaraabo dhan Otaanga ayee tagi jireen wixii 92-94 u dhaxeeye. Ar maxee kusoo jabeen. Waxaa maqlay qofka u qaabilsanaa arimaha dhoofka Mareykanka naag Pamela la dhihi jiray, Soomaalidana ugu wici jirtay Balbeelmo. Taloow ma jirtay taas?

 

Abtigeey reerkiis ayaa ku soo dhacay interview-gii, markee kusoo noqdeen Neyroobi wiilkiis shan jirka ahaa ayaa dhihi jirnay, "Yaa kaa reebay Mareykanka?"

 

"Balbeelmo. Uff waaye Balbeelmo."

 

Shan jirkeena xataa waagaas Mareykanka muxuu jano mooday. Ar maxaa adduun la bartay gadaasheed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^ :D @ liin balbeemlo.

 

U mean Pamela Hutchinson? What a lady! Hats off to her. Qaxootiis should send Pamela a gift card on 1st January every year as a token of appreciation to her hard work in Thika camp as well as JVA. The gift card should read in part:

 

Mrs Hutchinson you helped me and my family migrate to a country where we can get a decent life: medical care, first class education, justice, employement, etc. And for that you will always be remembered.

 

 

As to Otanga I visited few times but never actually lived in that rotten place.

 

Widaay live and learn, live and learn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this