Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Hiiraan Dabageed oo weerar dhabogal ah kala kulmay Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo duleedka magaalada Beledweyne, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo wafdi la socday ayaa weerar kala kulmay ciidamo ka tirsan Al Shabaab.

Ciidamada Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday kolonyada gaadiidka ee la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan, xilli ay marayeen meel duleedka ka ah degmada Beledweyne.

Wafdiga guddoomiyaha ayaa marayay meel u dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay inay kusii jeedeen degmada Maxaas oo maleeshiyaad ay ku dagaalamayeen labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Dagaalka dhexmaray Ciidamada uu la socday Dabageed iyo Al-shabaab ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhamisho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Xagar (Dabageed) iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa kusii jeeday Maxaas, iyagoo lagu waday inay kala dhexgalaan laba maleeshiyo beeleed oo xoolo dhaqato ah, kuwaasi oo uu dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray tuulooyin hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Lama oga khasaaraha guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Wafdigiisa kasoo gaaray weerarka ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this