Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Sawirro: Sidee ayay u dhaceen qaraxyadii ka dhacay Muqdisho maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Jawiga magaalada Muqdisho oo deganaa muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa mar qura isbadalay, kadib dhawaq xoogan oo qarax oo laga maqlay magaalada Muqdisho.

Uuro ayaa cirka isku shareertay, waxaana daba socday rasaas xoogan oo dhacaysa, taasi oo loo malaynayay inay aheyd in meel la wareeray gudaha loo galay, balse wuxuu ahaa qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka isgoyska Xaawa Taako oo ku dhow goob laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Dad badan oo shacab ah kuna sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayay waxyeelada ugu badan soo gaartay, walow aanan ilaa iyo hadda la xaqiijin tirada dadka waxyeelada ay soo gaartay.

Qaraxa koowaad ayaa dad ku sugnaa dhismaha Hooyooyinka waxay sheegayaan inuu gaari gaari ciidan oo lagu buufiyay astaanta ciidamada booliska, kaasi oo ka dhacay tiyaatarka qaranka agtiisa.

Intii lagu howlahaa qaraxa koowaad ayaa waxaa dhacay qarax kale oo xoogan oo ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon.

Qaraxa labaad ayaa ahaa gaari SURF ah oo laga buuxiyay waxyaabaha, waxaana la sheegay inay saarnaayeen labo ruux oo mid kamid ah uu watay gacanka ciidamada ay ku wada hadlaan.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen labo ruux oo mid kamid ah la sheegay inuu sheegay inuu naftiia nacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in dhaawac uu gaaray guddoomiye ku xigeenka dhanka amaanka iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, waxaana la waayay gabi ahaanba gaari Cabdi Bille ah oo la socday.

Sidoo kale waxaa soo baxaya ayaa sheegaya in waxyeelo ay soo gaartay shaqaalo ka tirsan TV Universal, waxaana la sheegay inuu qaraxa ku dhintay darawalka gaariga Universal iyo wariye Cawil Daahir Salaad.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

4-49.jpg

1-63.jpg

2-60-750x430.jpg

1-63.jpg 3-58.jpg

La soco khasaaraha Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this