Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo warqad digniin ah udiray Mayorka Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdisalaan Xirsi Gujir ayaa maanta soo saaray warqad ugub ku ah Puntland taas oo uu digniin ugu diraayo duqa caasimada Puntland ee Garowe Axmed Saciid Muuse (Axmed Barre)

Warqadan ayuu gudoomiyuhu ku sheegay inuu duqa caasimadu wado olole siyaasadeed kadib markii uu dhawaan booqday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey inuu dhawaan magaalada Garowe ku shiriyey xildhibaanada ee laga soo doortay gobalka Nugaal isagoo uga gol leh olole siyaasadeed waa sida uu qoraalkiisa ku yiriye.

Arintan ayaa ah mid ugub ku ah Puntland, waxayna daba joogtaa dhacdooyin ku cusub Puntland oo lagu arkaayey intii uu talada hayey Dr Cabdiwali Gaas.

Akhriso warqada uu Gujir soo saaray

duqa-garowe.jpg?resize=714%2C960&ssl=1

The post Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo warqad digniin ah udiray Mayorka Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this