Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo kordhay Halka uu ku hadlayo Mukhtaar Roobow ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa goordhow la filayaa inuu warbaahinta kula hadlo magaalada Muqdisho, waxaana wariyaasha ay sugayaan Shirkiisa Jaraa’id.

Xarunta NISA ee magaalada Muqdisho ayaa loo diyaariyay inuu warbaahinta kula hadlo, waxaana wariyaasha geeyay halkaasi bahda warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Lama oga waxyaabaha uu ka hadli doono, balse waxaa loo badinayaa inuu ka hadlo soo xeritaankiisii iyo arrimaha doorashooyinka Koofur Galbeed.

Wariyaasha ayaa gabi ahaanba loo diiday inay Live Facebook ka sameeyaan Shirka Jaraa’id ee Mukhtaar Roobow.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in maanta la filayo in albaabada la iskuugu dhifto xabsiga GODKA JILACOW oo inta badan lagu xeri jiray shaqsiyaadka Al Shabaab looga shakiyo.

muq.jpg

La soco waxa kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this