Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed: Roobow Uma Tartamayo Doorashada 19-ka Bishan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada koonfur galbeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow aanu u tartameyn doorashada madaxtinnimada koonfur galbeed ee 19-ka Bishan ka dhici-doonta magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa intaasi raaciyey in Roobow uu dhameystiray hab-raacii doorashada balse ay ku dheggantahay dowladda federaalka ah, isla markaana nin maqan aanu tartami karin.

Hadalka guddiga doorashada ayaa imaanaya kadib maalmo markii ay dowladda federaalka ah soo xirtay Mukhtaar, iyada oo sheegtay in uu faraha laga galay arrimo ka baxsan heshiiska.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow uu hadli-doono saacadaha soo socda, iyada oo laga yaabo inuu ku dhawaaqo ka hiristiisa doorashada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this