Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Buulo-burde, Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay howlgallo ballaaran ka wadaan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan oo ah mid ammaanka lagu xaqiijinayo ayaa lasoo sheegayaa in ciidamadu ay ka wadaan xaafadaha ay ka kooban  tahay degmadaasi.

Waxaa jirta tiro dhallinyaro ah oo howlgalkan lagu soo qabtay, hase ahaatee weli faah faahin lagama bixin inta ay la egyihiin dhallinyaradaasi.

Howlgalkaan ayaa wuxuu daba socdaa kadib qarax shalay ka dhacay suuq Khaadka lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this