Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda magaalada Baydhabo Oo saaka dagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Xaaladda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay tahay mid dagan, kadib markii saddexdii maalin ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen rabshado xoogan.

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu arkayaa Waddooyinka magaalada, kuwaas oo xaqiijinaya amniga, kana hortago rabshado ka dhaca halkaasi.

Xariiro aan la sameynay saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in jawiga saaka uu yahay mid xasiloon, islamarkaana xaaladdu ay dagan tahay.

Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in ay bilowdaan hadal jeedinta Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka K/ Galbeed Soomaaliya.

Illaa 3 Musharrax ayaa maanta hortagaya Baarlamaanka maamulkaasi, si ay ugu jeediyaan khudbadahooda ku aadan waxqabadka, hadii loo doorto xilkaasi.

19-ka bishan ayaa la filayaa in ay qabsoonto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, walow xiisado siyaasadeed ay ka jiraan maamulkaasi.

The post Xaaladda magaalada Baydhabo Oo saaka dagan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this