Sign in to follow this  
SOO MAAL

Golden Jubilee Celebrations: Somalia's 50th Anniv of the Independence Reunification

Recommended Posts

SOO MAAL   

somalia-flag-waving-buddy-icon-animated.

Somalie.gif

 

HAPPY BIRTH DAY SOMALIA

1960 - 2010

50_Years_Logo.JPG

Golden Jubilee Celebrations: Somalia's 50th Anniversary of the Independence &Reunification

 

stock-photo-birthday-cake-for-years-jubi

 

The Celebration of the Somali National Week comes between June 26 and July 1 every year.

 

June 26: Awdal, Woqooyi Galbeed, & SSC Regions took independence from Britain (Gobalada Woqooyi Somalia ayaa ka xoroobay Ingriiska)

 

June 27: Djibouti took independence from France (Jabuuti ayaa ka xorooday Faransiiska)

 

July 1: South, Central and East Somalia took independence from Italy (Gobalada Bari iyo Koonfir ayaa ka xoroobay Talyaaniga)

 

July 1: the Union Day (Maalintii Midowga Soomaaliyeed)

 

July 1: the Somali Republic Day (Maalinta Jamhuuriyada Somalia)

 

Happy Somali National Week to all Somali people,

It is the 50th anniversary of Somalia

1960-2010

 

Dhamaan Umada Soomaaliyeed Hambalyo Ilaahay haa ka dhigu usbuuc khayr qaba wadanka Soomaalia mid farxad badan wata, nabad, xasilooni, horumar, doladnimo amiin

 

waa 50 guuradii ka soo waraagtey maalmihii xuriyada, midowga, iyo aaasaaskii jamhuuriyada Somalia

 

20090722013400!Greater_Somalia1.jpg

 

Qolabaa Calankeedu Duul waa ceynoo, Anagaa keenu waa cirkoo kala, Aan caadna laheyn een caashaqayee. Xiddig yahay cadi waad na ciidamisee, Carradaan kaligaa aad u curatee, Cadceedda sideeda caan noqo ee..... Aamiin

 

Erayadan waxaa tiriyay isla markaana ku luqeyn jiray Allaha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Qarshe

 

LONG LIVE SOMALIA

 

SOMALIA HANOOLATU

 

Munaasabada 26 June, 27 June iyo 1da Luulyo - Maalmaha Xornimada SOOMAALIYA

 

SomaliaW.jpg

 

400_F_11531252_6Ib59eXLSw2Y0c8GG1oMJVniS

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Happy 50th Somalia Independence day folks.

 

Divided we fall. United we stand.

 

God bless Somalia & Somalis...

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

15555_1100734618931_1843671987_199076_22

 

 

KANA SIIB KANA SAAR

 

Cabdullahi Suldaan (Timacadde)

 

 

Anigoo sebi uun ahoo

Sita leeb iyo qaansoo

Siigaduun isku aasoo

Sabo reer ka fogaanoon

Laygu aaminin soofkiyo

Saaca maanta aan joogno

Gabaygu waygu sugnaayee

 

Haddii aan Sarsarriigo

Ama aan surmaseejo

Amaba aan sixi waayo

Ama aan ka salguuro

Amaba laygu saluugo

Soomaalida i maqlaysaay

I su'aala hadhow

 

 

Ilaahaan waxba seegine

Subaciisa Quraankiyo

Sabbaxooyin ku sheegayow

Saciira iyo naciima

Rabbiigii kala seerayow

Markay suurtu dhawaaqdo e

La soo saaro makhluuqa e

Shaqiga iyo saciidka

Maalintaad kala soocdo

Dembigaannu samaynay

Rabbigayow naga saamax

 

 

Subciyay oo ka dukeeyaye

Ka siddeetan sebaaney

Calankaannu sugaynaye

Sahankiisa ahaynow

Seermaweydo hillaacdayow

Sagal maanta darroorayoo

Siigadii naga maydhayow

Saq dhexaannu ahayne

Kii soo saaray cadceeddow

Samada kii u ekaaye

xiddigaa mid la siiyayow

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e

Kaana siib Kanna saar

 

Saahidiinta lslaamka e

Subcisaa Jimcayaashiyo

Sibyaanta iyo haweenku

Calankay Saadinayeenow

Cidina kaanay na Siine

Saatir noogu yaboohayow

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

Aan siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

Sallaankii istiqaalkow

Sedadu kay ku xidhnaydow

Sayruukhii Afrikaadow

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

 

San-ku-neefle dhammaantii

Khalqiga kii u sinnaayeen

Mid saaxiib la ahayne

Sangalkii iska diidayow

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

Aan siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

 

Soomaloo iscunaysa oo

Saqda qaylo dhawaaqdiyo

Sulub laysu cabbaystiyo

Hadba soof la xabbaadhiyo

Saraayaa dami weydey

Kii laydhiisu na saaqdayow

Kii sadqeeyey qabaa'ile

Isu saaray gacmaa ee

Saf walaala ka yeelayow

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

 

In sidayda tihiin iyo

In kalaanan saxaynine

Soomaloo calan taagta

Saakay noogu horraysa oo

Saddex wiig iyo maalmo

Haddaan Soor cuni waayo

Safrad laygama yaaboo

Sarina mayso naftayda e

Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow

An siduu yahay eegno e

Kaana siib kanna saar

Share this post


Link to post
Share on other sites

dear reer Somalia,

 

congratulatory best wishes for your 53rd anniversary of independence. mabrook. let's hope the situation of your country improves inshallah. on behalf of the Somaliand people, we are sending you our deepest felt hambalyo and brotherly love. congratulations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this