Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Shariifka's shenanigans

Recommended Posts

So, Shariifka is up to his old tricks, forcing the just nominated (and pro-Shariifka) election committee that were members of Koonfur Galbeed parliament, whom was selected by a pro-Shariif guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Last week, Shariif Xasan suddenly changed all the soldiers who were guarding his 'presidential' palace, removing them to outside the city camp. He instead brought some that were close to him and trusted.

Shariif Xasan tried hard not even wanting his pro-guddoomiye baarlamaan to nominate this (s)election committee, waiting until the last days to nominate them.

Then yesterday, Nofeembar 5th, a few days after they were nominated, most of them suddenly resigned, including (s)election committee's chairman, accusing faragalin by dowladda dhexe.

Today, odey dhaqameedka (many of them in Shariifka's pockets) came out, calling the delay of the (s)elections.

We had seen his political tricks in the last 14 years. This is his M.O. of Shariifka; he thinks he can pull maneuvering like this in a clear day light when he realized he had no chance of retaining the seat he holds.

Shariifka should be careful, meesha dagaal sokeeye ayuu u horseedi doonaa. His clan is traditionally unarmed, he is guarded by his reer abti, whose clan is the late Xaabsade's and Rooboow's clan members. This clan has abandoned him, throwing their support behind their own son, Rooboow.

Rooboow has his own militia outside Baydhabo. So is Saransoor, another musharax, who has loyal ones in Xuddur area. I am afraid they might bring their militias to inside Baydhabo and cause problems if this delay tactic succeeds.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doorashada Koonfur Galbeed oo dib loo dhigay iyo go’an kasoo baxay odayaasha

Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed oo ah cidda leh go’aanka kama dambeysta ee arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow waxa ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaga dhowaaqeen in dib loo dhigay doorashada maamulkaasi oo la filayey iney dhacdo 17-ka bishan November.

Golahan oo cuksanaya qodob ka mid ah dastuurka Koonfur Galbeed ayaa go’aamiyey in doorashadaasi dib loogu dhigay sababo la xiriira farogelinta ay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku hayso doorashada.

Waxa ay dowladda ku eedeeyen iney lacago laaluusha siisay xildhibaannada qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamabka Koonfur Galbeed oo loo soo daabulay magaalada Muqdisho toddobaadkii tegay..

Sidoo kale, Golahan ayaa dusha ka saaray dowladda dhexe gaar ahaan madaxda ugu sarreysa wax walbo oo dhacay oo ku saabsan doorashada.

Ugu dambeyn, doorashadan ayeey sheegeen in qabashadeeda la go’aamin doono marka la helo xaalad siyaasadeed oo deggan.

Hadalkooda ayaa yimid kadib markii xalay ay is-casileen inta badan xubnihii guddiga doorashada Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaasi oo iyagana sheegay inay isku casileen farogelinta dowladda dhexe.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Baydhabo iyo qorshaha doorashada Koonfur Galbeed

Shacabka magaalada Baydhabo ayaa dhegtooda ay kor u taagan iyaga oo ka dhowr sugaya go’aanada xiga isacilaadii 15 xubnood oo ka tirsanaa guddiga doorashada Koofur Galbeed.

Xaaladda siyaasadeed ee magaalada ayaanan daganeyn ilaa xalay, waxaana socday ilaa xalay kulammo kala duwan oo ka dhacayay magaalada Baydhabo oo dhexmaraya dhinacyada kala duwan ee kusugan magaalada.

Wararkii u dambeeyay oo aan heleyno ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheikh Aadan uu wado qorshe uu musharixiinta Koofur Galbeed kaga dhaadhicinayo in dib loo dhigo doorashada.

Shariif Xasan ayaa horey u dalbaday in waqti dheeri ah la siiyo, laakiin hadda ciyaar cajiib ah ayuu sharaxay, maadaama culees badan uu kaga iaamanayay dhanka dowladda Soomaaliya kadib markii xildhibaanadii ugu badnaa Muqdisho la keenay.

Musharixiinta aragti ahaan kasoo Horjeeda Shariif Xasan ayaa dhankooda xalay kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo xubnaha guddiga ka harsan ee aan wali iscasilin, iyaga oo kala hadlay in doorashada waqtigeeda ay dhacdo.

SHariif Xasan, ayaa ciyaarta ka bilaabay markii uu badalay dhamaan ciidamadii ilaalada madaxtooyada isaga oo dad ku heyb ah ku badalay, waxaana uu ka baqayay in ciidamada kale dhibaato ku keenaan.

Wararka ayaa sheegaya inuu doonayo in doorashadan ay dib u dhacdo, waxaana sidoo kale soo baxaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu wado qorshe uu isku casilayo, waana qorshaha labaad haddi qorshaha iscasilaada xubnaha gudiga lagu guuleysan waayo.

Shariif Xasan, ayaa hadda helay fursad uu wadahadal ku gali karo, waana ruux aad u yaqaana siyaasadda Soomaaliya.

Afhayeenka guddigii shalay iscasilay ayaa saxaafadda u sheegay in waqtiga uu ku yaraaday ayna ka baqeen inay ku fashilmaan doorashada Koofur Galbeed, sidaasi daraadeedna ay isku casileen.

Wuxuu ku eedeeyay xildhibaanada Koofur Galbeed inay marar badan u yeereen balse ay imaan waayeen, taasi oo ah goolka koowaad ee laga dhaliyay dowladda Soomaaliya maadaama magaalada Muqdisho ay kusugan yihiin inka badan 60 xildhibaan oo seddex jeer Baydhabo laga soo qaaday.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iscasilaadda gudiga doorashada K/Galbeed iyo qorshaha cajiibka ah ee uu dejiyey Shariif Xasan

Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa is-casilaadda ay ku dhawaaqeen guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka, iyo inta badan xubnaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed, oo galabta is-casialy.

Xubnaha is-casilay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, oo ahaa Guddoomyihii Guddiga Doorashada iyo guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada Koonfur Galbeed Mahad Maxamed Ciise.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in arrintan ay tahay xeelad siyaasadeed oo cajiib ah, oo uu dejiyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo doonaya in doorashada aysan dhicin.

Caasimada Online ayaa goor hore oo maanta ah shaaca ka qaadday xog ku saabsan in Shariif Xasan uu ku dhawaaqayo in doorashada uu ka harayo, waxaana is-casilaadda xubnaha guddiga ay qeyb ka tahay qorshahaas.

Qorshaha Shariif Xasan ayaa ah inuu sabab ka dhigto is-casilaadda guddiga, sidaasna uu doorashada ku baajiyo, isaga oo dowladda federaalka eeda dusha u saari doona

Guddomiyaha is casilay ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna galabta isku dayey inuu Guddiga doorashada ka dhaadhiciyo in dib loo dhigo, balse waxaa ka hor yimid fikirkaas illaa 15 kamid ah Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo ku adkeystay inay doorashada dhicid doonto waqtiga loo qabtay.

Kadib markii lagu gacan seeray qorshaha dib u dhigidda doorashada, ayaa Shariif Xasan iyo guddoomiyaha guddiga waxay isla dejiyeen qorshe ah in Shariifka aanu doorashada ka harin, balse taa beddelkeed guddiga is-casilaan, oo Shariifka arrinta banaanka ka taagnaado.

Si kastaba, waxaa xaqiiq ah in dowladda federalka ay faro-gelin cad ku hayso doorashada, ayna dooneyso in Shariif Xasan meesha laga saaro, taasi oo Shariifka siisay fursad iyo cudurdaar uu xukunka usii haysto.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamanka Koonfur Galbeed oo la kala dirayo & doorashadii oo baaqatay

Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqata inay sii cakirmayso kadib markii xalay ay is-casileen xubnaha guddiga doorashada, oo ku eedeeyey dowladda federaalka inay faro-gelin ku hayso doorashada.

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, uu ku dhawaaqi doono maantq inuu kala diray baarlamanakii Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale filayaa inuu shaaciyo in doorashadii Koonfur Galbeed, oo la waqtiyeeyey inay dhacdo 17-ka bishan aysan qabsoomi karin.

Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu dowladda federaalka ku eedeeyo inay faro-gelin ku hayso doorashada, islamarkaana ay xildhibaanadii maamulka gaysatay magaalada Muqdisho.Ma cadda waxa xigi doona intaas, waxaase muuqata in xaaladd Koonfur Galbeed ay isku dhex yaacday.

Guddoomiyaha guddiga doorashada, Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, afhayeenka guddiga Amin iyo xubno badan oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan.

Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay xukuumadda Kheyre ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed.

Xog aan helnay ayaa sheegaya in dhammaan arrimaha is xiga xiga uu ku dambeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ka go’an tahay in doorashada aysan dhicin.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo war saxaafadeed cusub ka soo saartay Doorashada Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa goor dhow war saxaafadeed ka soo saartay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo qabsoomideeda uu jahwareer ku yimid, kaddib markii ay is casileen inta badan xubnihii Guddiga doorashada.

Sida lagu shaaciyay bogga Wakaalada Wararka ee SONNA waxaa wasaaradda Arrimaha Gudaha ay fartay madaxda dowlad goboleedka Koofur Galbeed on doorashada ay ku qabsoonto xilligii loo asteeyay oo ku beegan 17-ka November 2018.

War saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira Koonfur Galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koonfur Galbeed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay in dib loo dhigay Doorashada

dhaqanka-koofur-696x463.jpg

Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu waday inay dhacdo 17-ka bishan November.

Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso doorashada, iyadoo la safatay Musharaxiin, isla markaana dhaqaale iyo baabuur aan xabado karin ka soo dejisay Garoonka Baydhabo.

Waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Federaalka in Xildhibaanadii Koonfur Galbeed u daabushay Muqdisho, isla markaana lacago laaluush ay siisay, si ay u doortaan Musharaxiin gaar ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa soo xigtay qodobka 60aad ee Dastuurka Koonfur Galbeed waxay go’aan ku gaareen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha ee loo balansanaa, inta laga helayo jawi degan.

Sidoo kale Odayaasha waxay caddeeyeen inay marjac u yihiin Maamulka Koonfur Galbeed, maadaama markey xaalad la soo gudboonaato Golayaasha dowladda Koonfur Galbeed, waxayna noqon karaan Garsoor lagu go’ i markii loo baahdo.

Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya, iyadoo war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka ku fartay Madaxda Koofur Galbeed in aan dib loo dhigi karin doorashada, kuna dhacdo xilligii loo asteeyay.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

I do not think, it will work this time for him. His friends is pushing to him doing wrong things. But in the end, he will give up.  He has much to lose including his airplane business.The local parliament is the key and it seems he lost their support. It is a new era these guys are in the past. It is a new day for somalia, the time of keeping the people and the country a hostage is over. people see the light coming and will not stay the dark.

Share this post


Link to post
Share on other sites
3 hours ago, cadnaan1 said:

This shariif guy have to be removed whatever cost by force or vote.

Waa kansar u baahan in umada laga dgex saaro.

C’mon Cadnaan, after all these years you of all people should know that no one group can use force or violence to gain any political power in Somalia?

Love him or loath him, Sharif became leader of Southwest State of Somalia without engaging in any violence and by deftly outmaneuvering the mighty political waves that have sunk many a politician; therefore, anyone opposed to him in these elections should try to dislodge him from office by beating him at his own game. 

Also, the political opponents of Sharif —who I think out of sheer desperation, have resorted to hurling churlish insults at Southwest State’s traditional elders, have forgotten that in our tumultuous and tribal Somalia these same Odey Dhaqameed exert considerable sway over the political lives of their tribesmen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Agree, Sharif is  a cancer to SOMALI politics, Xaraan bu ku haysta meesha.

 

The good people should come forward this GREAT state, If things go right, I will move there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariifka and his silliness staying behind odey dhaqameedka Koonfur Galbeed, same odey dhaqameed he persuaded to accept three-gobol Koonfur Galbeed maamul, instead of lix gobol, back in 2014. I don't think the populace are that ready to accept this.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.